Puntland oo eedeyn culus u jeedisay DF Soomaaliya

Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeyay inay dayacday lacagta shillinka Soomaaliga, oo xiligan si weyn looga isticmaalo deegaanada Puntland.

Lacagaha shilinka Soomaaliga ayaa u muuqda kuwa adeegsigooda aad uga sii yaraanayo Muqdisho iyo gobollada Koonfurta, ahse yeeshee taas badalkeeda deegaanada Puntland aad ayaa looga isticmaalaa.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyada Puntland Cabdi Qowdhan, ayaa sheegay in maamulkoodu uu yahay midka keliya ee sida weyn u isticmaala lacagtaasi, isaga oo ku eedeeyey dowladda dhexe iney dhumineyso qiimaha lacagta Soomaaliga.

Sidoo kale waxa uu xusay in deegaanada Puntland loo soo raray lacagaha xad dhaaf ah oo shillinka Soomaaliga, taasi oo uu sheegay inay keentay sicir bararka baahsan ee dhinaca sarifka isku bedelka lacagaha qalaad.

Wuxuu si weyn ugu cambaareeyay dowladda federaalka inay qiimo tirtay lacagta shillinka ah, maadama ay canshuuraha ku qaado doollar, ayna mushaharka ku bixiso lacagtaasi qalaad.

Deegaanada Puntland waxaa hadda ka jira sicir barar maadaama doolarkii uu sare u kacay, taasna waxey timid kadib markii lacago shillin soomaali badan ah la geeyay halkaas, wasiir ku xigeenka wuxuu dowladda ku eedeeyay iney dayacday lacagtii dalka.

Cabdi Qawdhan wuxuu ka dhawaajiyay in dowladda ay xitaa mushaarka ciidamada ku bixiso lacago dollar ah, sidoo kalana ay canshuuraha ku qaadaan taasoo keentay in qofka uusan xil iska saarin heysashada lacagta Soomaaliga ah.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili bulshada ku nool Puntland ay cabasho xoogan ka muujisay sicir barar dhanka doollarka, isla markaana guddi gaar ah loo saaray xal u helida arrintaasi.