Rooble oo amar culus oo 4 ah qodob dul dhigay wasiirada xukuumaddii R/W Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amaro cusub oo uu cadaadis hor leh ku saarayo wasiiradii xukuumaddii Kheyre ee xil-gaarsiinta ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray xubnaha golaha wasiirada ee xil-gaarsiinta inaysan keligood go’aan gaarin karin, isla markaana ay tahay inay isaga lasoo wadaagan waxkasta, ka hor inta ay go’aamin.

Sidoo kale wuxuu xubnahaasi faray inaysan soo saari karin qoraal uusan ogeyn, iyada oo uu ku waajibiyey in nuqul kamid ah qoraaladaasi ay soo ogeysiiyan Ra’iisal wasaaraha iyo sii-hayaha Ra’iisal wasaare kuxigeenka.

Wuxuuna xusay Ra’iisal wasaaruhu inuusan marnaba aqbali doonin tallaabo kasta oo ka hor imaneysa awaamiirtan cusub ee uu soo saaray.

“Xukuumadda jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, waxa aasaas u ah ku dhaqanka dastuurka, xeer hoosaadka golaha wasiirada, shuruucda iyo xeerarka u yaalla jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, waxa ayna ku shaqaynaysaa daah-furnaan, isla xisaabtan iyo dowlad wanaag” ayuu ku yiri waraaqda uu soo saaray Rooble.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, arrintan ayuu Rooble uga hortagaya in mudada uu soo dhisayo xukuumad cusub ay dhacdo magacaabis iyo isbedelo ka dhaca wasaaradaha ay gacanta ku hayaan wasiirada xukuumaddii hore.

Waxaana xusid mudan in go’aanka ra’iisal wasaaraha uu ogyahay oo ay ka wada socdaan madaxweynaha Soomaaliya oo isagu dagaal dadban la galay ra’iisal wasaarihii hore iyo xukuumadiisi.

Ugu dambeyntiina wuxuu faray xubnaha golaha wasiirada ee xil-gaarsiinta inay muujiyaan waxqabad ay mas’uuliyad ku dheehan tahay, isla markaana looga baaqsanayo dayac ku yimaada waajib gudashadii iyo waxqabadkii xukuumada, ka hor inta uusan soo dhisin xukuumaddiisa cusub.

Hoos ka aqriso amarada culus ee Ra’iisal waasaruhu faray xukuumadda xil-gaarsiinta:

1. In la dhowro hab-raacyada inoo yaalla oo ay tahay lagama maar-maan in loo maro sida ay tilmaamayaan qawaacidda iyo arkaanta loo dejiyey howlaha xubnaha golaha wasiirada ee xil-gaarsiinta.

2. In marka hore Ra’iisal wasaaraha lagala tashado go’aan kasta oo ay gaarayaan ama qoraal kasta oo ay soo saarayaan xubnaha golaha wasiiradda ee xil-gaarsiinta.

3. La-tashiga Ra’iisal wasaaraha kadib, qoraal kasta oo ka baxaya xubnaha golaha wasiirada ee xil-gaarsiinta, waa in nuqul ogeysiin ah la soo siiya Ra’iisal wasaaraha iyo sii-hayaha xilka Ra’iisal wasaare ku-xigeenka.

4. Lama aqbali doono tallaaba kasta oo ka hor imaneysa tilmaamaha kor ku xusan.