Villa Somalia oo war kasoo saartay ujeedka SAFARKA Farmaajo ee Eritrea + Sawiro

Asmara (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay ujeedka safarka aan horey loo shaacin ee maanta uu madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku gaaray magaalada Asmara ee caasimada dalka Ereteriya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa qaabilaad iyo soo dhaweyn diirran ugu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas, Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Ereteriya.

Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Farmaajo iyo Afwerki ay ka wada-hadlayaan hanaanka kor loogu sii qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaalaha iyo bulsho ee labada dhinac, si loo sii amba-qaado qorsheyaasha ku qotoma isku xirnanta bulshada, ganacsiga iyo maalgashiga.

“Afwerki ayaa sidoo kale sheegay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wada-jirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta xiriirka iskaashi iyo dhaqaale ee dalalka gobolka, taas oo xoojineysa in dalkeennu uu door muhiim ah ka qaato geeddi socodka horumarineed ee ay hiigsanayaan dalalka gobolku.”

Booqashada madaxweynaha iyo wafdigiisa ee dalkaasi ayaa qaadan doonto labo maalmood, sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Safarkan ayaa imanaya xili uu shalay Farmaajo kasoo ambo-baxay dalka, isagoona gaaray magaalada Jubba ee caasimada dalka Suudaanta Koonfureed, oo uga qeyb-galay munaasabadda heshiiska nabadeed ee dalka Suudaan.

Hoos ka daawo sawirrada safarka madaxweynaha