B/Caalamka: Doorashada Galmudug waa inay noqotaa mid la wada aqbali karo

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay heshiiska ay gaareen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca ee ku saleysan dowladda cusub ee loo dhisayo Galmudug.

Heshiiska ayaa dhigaya in Ahlu-Sunna la siiyo 20 ka mid ah 89-ka xildhibaan ee Golaha Wakiilada lasoo dhisayo ee Galmudug, taasi oo macnaheed yahay in Ahlu-Sunna ay soo xuli doonto 20 xildhibaan, halka 69-ka kale ay soo xuli doonaan odayaasha qabaa’ilka.

Qoraal kasoo baxay saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa lagu yiri “Waxaan soo dhoweeneynaa dadaallada aan joogsiga lahayn ee ay sameeyaan hoggaanka dowladda iyo Ahlu-Sunna, iyo saamileyda kale ee ay arrintan quseyso, si qodobadii la isku hayey loogu xaliyo wada-hadal iyo isu-tanaasul.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in beesha caalamka rumeysan tahay in tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhisidda maamul lagu mideysan yahay oo xasiloon oo Galmudug ay yeelato, kaasi oo muhiim u noqon doona dhaqaajinta ahmiyadaha qaranka ee 2020.

Dhinaca kale, beesha caalamka ayaa dhinacyada ay quseyso arrinta Galmudug ugu baaqay inay sii wadaan dadaalladooda, islamarkaana la xaqiijiyo hanaan ka tarjumaya hadafyada dhammaan bulshooyinka Galmudug.

“Hanaankan [doorashada] waa in natiijadiisu noqotaa mid caddaalad ah, la isku haleyn karo, oo cad, kaasi oo ay aqbali karaan dhammaan shacabka Galmudug.” ayaa lagu soo geba gebeeyey qoraalka.

Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray; AMISOM, Canada, Denmark, Midowga Yurub, Ethiopia, Finland, Germany, Italy, IGAD, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, QM iyo Mareykanka.