Mucaaradka Somaliland oo maanta ku gacan sayray la kulanka Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Xisbiyada mucaaridka Somaliland, Waddani iyo Ucid ayaa maanta markale ku gacan saydhay dalab uga yimid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, kaasi oo uu kaga dalbanayey inay kulan la qaataan labada xisbi Guddoomiyeyaashoodu.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa waxa uu guddoomiyeyaasha labada xisbi u diray warqad rasmi ah oo uu kaga dalbanayey inay kulan wada yeeshaan maanta oo sabti ah, marka ay saacadu tahay sagaalka subaxnimo.

Xisbiyada mucaaridka ayaa ku gacan sayray waraaqda dalabka ah ee uu soo gaadhsiiyey labada guddoomiye, iyagoona hore u shaaciyey inaysan Madaxweyne Biixi ay la yeelaneyn wax kulan ah ilaa inta uu qabanayo doorasho.

Madaxweyne Biixi ayaa dalabkan uu hogaamiyayaasha labada xisbi kaga dalbanayay kulanka, uu ku micneeyay mid xal looga gaarayo khilaafka baahsan ee ka dhashay Guddiga doorashooyinka Somaliland iyo muddo kordhinta Baarlamaanka.

Waddani iyo Ucid ayaa iyagu si weyn uga soo horjeeda xubin kamid ah guddiga doorashooyinka Somaliland, oo ay ku tilmaameen xubin aan dhex ka noqon karin saddexda xisbi, iyadoona xubintaasi ay u doorteen guddiga doorashooyinku Guddoomiyaha komishanka Somaliland.

Go’aanka xisbiyada ee sida cad ugu diideen inay kulan la yeeshan Biixi, ayaa waxa uu sii kicinayaa xiisada ka aloosneyd xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumada Biixi, kuwaasi oo ku muransan guddiga doorashooyinka.

Waxa sidoo kale uu go’aanka xisbiyadu ku soo aadaya xili la filayo in Wafdi ka socda Beesha caalamku uu yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa, si ay cadaadis ugu saaran xukuumada Biixi inay gudaha Somaliland ka qabsoomto doorashooyinka muddo dhaafay.

Dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ayaa iyagu muddooyinkii dambe walaac baahsan ka qabay dibu dhaca doorashooyinka ee Somaliland ay caado ka dhigatay dhowrkii sanno ee u dambeeyay, midaaasi oo ay siyaabo kala duwan uga soo saareen qoraalo adag.