Muqdisho (Caasimada online) Sida wararku ay sheegayaan Qaar kamid ah baalayaasha ku shaqeeya ileyska cad-ceeda ayaa saaka lagu qarxiyay Magaalada Muqdisho, kadib markii lagu xiray waxyaabaha qarxa.
Waraku waxay sheegayaan in Aroornimadii hore ee saaka qaraxyo laga maqlay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu qarxiyay baalayaasha, iyadoo aan la ogeyn rasmi ahaan qaraxyada baalayaasha cida ka dambeysa.
Labo kamid ah baalayaasha la qarxiyay ayaa waxa ay ku yaaleen nawaaxiga Isgoyska KPP gaar ahaa halka loo yaqaan Labaajada Taleex Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
waxarku waxay intaas ku si ndarayaan in Baalo kale isna lagu qarxiyay isgoyska Geed Jaceyl ee Degmada Warta Nabadda, halkaasi oo isna saaka qaraxa laga maqlay.
Horay ayaa loo qarxiyay qaar kamid ah baalayaasha ku shaqeeya ileyska cad-ceeda Magaalada Muqdisho, iyadoo baalayaasha horay loo qarxiyay ay gaarayaan ku dhawaad sideed bale.
Maamulka Gobolka Banaadir wali kama uusan hadlin sidoo akle ma jirto cid sheegatay mas’uulida qarxinta baalayaashan
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasima@live.com