BAAQ CULUS oo laga soo saaray xaalada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xaalada adag ee ay wajahayaan warbaahinta madaxa-banaan ee Somaliland ayaa waxa laga soo saaray baaq culus oo ku socda xukuumada Muuse Biixi iyo hay’addaha daneeya arrimaha warbaahinta.

Ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland ayaa kulan ay ku yeeshen xarunta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA kaga wada-hadleen cabudhinta ay xukuumada Biixi ku hayso warbaahinta.

Kulankaasi ayaa waxa si gaar diirada loogu saaray xarigii Mulkiilaha Astaan Tv iyo xayiradii lagu soo rogay telefishanada Universal iyo Star ee lagaga mamnuucay deegaanada Somaliland.

Sidoo kale waxa kulankaasi looga hadlay xariga ay xukuumadda Biixi kula kacdo wariyeyaasha ka howl-gala deegaanadeeda, taasi oo muddooyinkii dambe si weyn usoo badanayey.

Waxaana kulankaasi laga soo saaray baaq u dhigna sidan:

1. In Maxkamadda sare dib-u-eegis ku samayso Qaraarka ay ka soo saartey labbadda telefishan ee Universal iyo Star.

2. In Xoriyaddiisa dib loogu soo celiyo Ganacsade Cabdiraxmaan Yuusuf oo ah Mulkiilaha Astaan TV oo muddo 10 cisho ah si sharci-darro ah ugu xidhnaa goob aan munaasib ahayn, sidoo kale la dedejiyo dhegaysiga dacwadiisa oo saaka maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex u dirtay 7 cisho oo rumaan ah.

Warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland ayaa muddooyinkii dambe wajahaysay tacadiyo ka dhan ah oo ay kula kaceysay xukuumada Muuse Biixi, taasi oo ka hor imaneysa xorriyada hadalka ee ay ku faanto Somaliland.