Baaritaan lagu billaabay wasiiradii xilkooda ku waayey musuq-maasuqa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay Caasimada Online helayso, ayaa sheegaya in baadhis deg-deg ah lagu bilaabay Wasiiro ka tirsanaa Somaliland oo xilalkii laga qaaday, kuwaasi oo dhawaan lagu soo oogay dacwad ah inay lunsadeen hanti-shacab.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay xilalkii ka qaaday Wasiiro lagu soo eedeeyay inay ku kaceen falal Musuq-maasuq, waxaa kamid ahaa Wasiiradaas xilka laga qaday ee baadhista lagu bilaabay Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo, Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta & Dhaqanka, iyo Ciise Axmed Yuusuf, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in isla shalayba baadhis lagu bilaabay Masuuliyiintan, markii uu Madaxweyne Biixi ka qaaday xasaanadda Wasiirnimo.

Si kastaba, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhowr jeer oo hore ka dhawaajiyey inay ka go’antahay Xukuumadiisa in Masuulkasta oo ku kaca falal Musuq in sharciga la mariyo oo gacan adag lagu qabto.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com