Baaritaan lagu sameynayo duqeynta diyaaradaha Drone-ka ee Somalia

London (Caasimada Online) Waxa magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ka billiowday baaritaan lagu sameenaayo wax yeelada ay geesteen duqeymaha diyaadaha Drones-ka ay ka geestaan waddamo ay ku jirto Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxa baareysa koox ka socota Qaramada Midoobay, kuwaasoo hadda gacanta ku haya illaa 25-dhacdo oo la xiriira weerarro Drones-ka ay ka fuliyeen dalalka Soomaaliya, Pakistan, Afghanistan, Yemen iyo Falastiin.

Waxa kaloo la baarayaaa khasaaraha ka dhashay weerarradaas, oo dad badan ay ku dhinteen kuwa kale ay ku dhaawacmeen.

Ben Emmerson waa wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha xuquuqda aadanaha wuxuu hoggaaminayaa baaritaanka arrintan, wuxuu sheegay in uu rakeenayo xog badan laga heli doono baaritaanka billowday

Diyaaradaha Drones-ka ayaa inta badan waxaa adeegsada waddamada Maraykanka iyo Israel, waxana dadka ku dhintay ka mid ah carruur iyo haween.

Meelo badan oo adduunka ayaa waxaa ka dhacay dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo weerararada ay geestaan diyaaradaha Drones-ka.

Ugu dambeen warbixinta guddigan QM ka socda ayaa dhammaadka sanadkan waxa baaritaankooda la horgeeyn doonaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi