Baaritaankii lagu hayay musuqa M/G Banaadir oo laga soo saaray natiijo laga carooday (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay natiijada ka dhalatay Baaritaano muddooyinkaani ku socday Xafiisyada Maamulka Gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Xafiiska Hanti dhowrka uu daraaseyn ku sameeyay dhamaan qaabka ay u shaqeeyaan Xafiisyada Maamulka Gobolka Banaadir, balse qoraalkaasi lagu sheegay in Maamulka uusan wax lug ah ku laheyn Kiisaska lagu soo oogay.

Dhinacyada baaritaanka lagu sameeyay ayaa waxaa kamid ahaa Boobka Maamulka Gobolka uu ku hayo hantida shacabka, Boosaska, Musuq-maasuqa, Canshuuraha iyo dhinacyo kale oo horay loogu eedeeyay Maamulka.

Hanti Dhawrka Guud Dr. Nuur Faarax ayaa sheegay in baaritaano dheer kadib ay wax danbi ah kuwaayen Maamulka Gobolka Banaadir, waxa uuna sheegay inay jireen dacwado farabada oo kasoo gaaray dhanka shacabka Magaalada Muqdisho kuwaasi oo iyagu lagu xadgudbay dhulal ay lahaayen.

Hanti Dhawrka ayaa cuskaday qodobka 10-aad ee sharcigii soo baxay 1980-kii oo ka hadlaya dhulka danta guud, wuxuuna sheegey in sharcigaasi uu dhigayo in dhulka uu mas’uul ka yahay maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose.

Natiijadaani ayaa inta badan dadka ku noqotay mid aan suuragal aheyn kadib markii ay sheegen in Xadgudubyada Maamulka Banaadir uu yahay mid aan qarsooneyn.

Dhanka kale, Natiijadaani ayaa u muuqaneysa mid leysaga jeedinaayo shacabka balse aysan u cuntameynin dadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com