Ahlu-Sunna oo digniin kasoo saartay qorshe uu madaxweyne C/Kariim Guuleed damacsan yahay

 Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Ahlu sunna Waljamaaca ayaa digniin kasoo saaray qorshe maamulka Galmudug uu damacsan yahay oo ku aadan iney dagaalo ka hurinayaan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya sida Ahlu sunna ay sheegtay.

Madaxa warfaafinta Ahlu sunna ee gobolada dhexe Muxudiin Cali Jimcaale, ayaa sheegay in Ahlu sunna ay ka warhesyo qorshaha maamulka galmudug damacsan yahay oo ah hubeynta ciidamada ku sugan Godinlabe, taasi oo colaad abuuri karta, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hub badan oo Galmudug diyaarado loogu geeyay ay usii gudbiyeen deegaanada ay isku horfadhiyaan ciidamada Ahlu sunna iyo ciidamada maamulka galmudug, taasina ay dhibaato ka abuuri karto gobolada dhexe ee dalka.

Masuuliyada waxyeelada ka dhasha dagaalo ka dhaca gobolada dhexe ee dalka ayuu sheegay afhayeenka iney qaadi doonaan masuuliyiinta dowlada Soomaaliya oo uu sheegay in diyaarado Cadaado ku geeyeen maamulka Galmudug.

“Maalmahaan waan la soconayaa in kooxda Cadaado joogta ay doonayaan iney dagaal ka dhaliyaan gobolada dhexe ee dalka, sababtoo ah waxay ciidamo badan soo dhigeen inta u dhaxeyso mareergur iyo Godinlabe”ayuu yiri.

Muxudiin Cali Jimcaale, hadalkiisa ayaa kusoo aadaya iyadoo ciidamada Ahlu sunna iyo kuwa Galmudug ay isku horfadhiyaan deegaankada Mareergur iyo Godinlabe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com