“Haddii sharciga aan u laabanno xildhibaannada culeys ayaa soo fuuli lahaa” Waxaa sidaas yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada BF Somalia, ayaa ka warbixiyay xeerka u degan Baarlamaanka iyo habdhaqanka Xildhibaanada.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada ay ka weecanayaan xeerka waxa uuna tilmaamay in Xildhibaan waliba uu adeegsanaayo wixii kasoo maaxa maskaxdiisa.

Waxa uu sheegay in xeerka uu yahay in Xildhibaanka uusan awood u laheyn inuu safar galo ama uu fadhiyada Baarlamaanka ka maqnaado inta uu furan yahay Ajande.

Xildhibaan Cabdisamad Macalin waxa uu cadeeyay in xiliyada qaar ay dhacdo in fadhiyada Baarlamaanka uu u baaqdo Xildhibaano maqan awgeed, taasina ay hoos u dhac ku keentay ajandayaasha BF horyaala.

Wuxuu sheegay in Ajandayaasha Baarlamaanka horyaal uu yahay mid faraha kabadan balse Xildhibaanadu ay yihiin kuwo Siyaasadeeyay fadhiyada isalamrkaana ay ku dhiiranayaan in howlahooda kale ay raacdan iyaga oo aan maslaxo u arag ajandaha horyaala BF.

Geesta kale, waxa uu soo hadal qaaday Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Xassan Sheekh, waxa uuna cadeeyay in gudoonka sare uu ka fiirsan doono si xalaal uu u noqdo natiijada kasoo bixi doonta fulinta Mooshinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com