25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Fadeexad: DFS oo fashil uu ka heysto diyaarinta qoraalada kasoo baxa xafiisyada DFS + Caddeyn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoos u dhac ballaaran ayaa Dowlada Federaalka ah ee Somalia ka heysta dhanka qoraalada lagu faafiyo dacwadaha, magacaabista iyo qoraalada kale.

Qoraalada kasoo baxa xafiisyada Dowlada ayaa ah kuwo aan la tafaftirin islamarkaana dhanka qoraalka uu yahay mid aan sidaa u usii wanaagsaneyn.

Shaqaalaha Dowlada gaar ahaan kuwa dowlada u qaabilsan qorista warqadaha ayaa ah kuwo aan aqoon buuxda u laheyn diyaarinta warqadaha, waxa ayna tani muujineysaa in DF ay ku fashilantay.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa lagu daabacay qoraal u muuqaal eg Somali, balse aan ka dhisneyn dhanka beeska, waxa ayna taasi ka turjumeysa heerka aqoonta Madaxda Qaranka ay gaarsiisan tahay.

Warqadan hoose oo kasoo baxday xafiiska hanti dhowraha qaranka ayaa waxaa ka muuqdo qoraal aad u liita oo xiriirsan kaas oo aan kala baxsaneyn islamarkana joogsiga iyo hakadkaaba la geliyay meelo aan munaasib ku aheyn.

Arrintan ayaa cadeyn u ah in shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada dowladda amaba mas’uulka xafiiskaasi jooga aan la eegin heerkooda aqooneed ee afka soomaaliga.

HOOS KA AKHRISO CADEYNTA
3

1

2

- Advertisement -

Read more

Local News