XOG: Maxaa xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada SHANGAANI (Qabyaaladda Xasan Sh.)

Horaantii bishii June ee sanadkan 2015 waxaa isku shaandheyn lagu sameeyay qaar ka mida guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir, iyadoo intooda badan la isku bedelay marka laga reebo hal guddoomiye degmo oo xilka waayay, arrintaas oo qeylo dhaan xoog leh ay ka keeneen waxgaradka Banaadiriga.

Guddoomiyaha kaliya ee xilka laga qaaday wuxuu noqday Guddoomiyihii degmada Shangaani Saciid C/qaadir Saciid, waxayna taasi dib u dhac ku keentay horumarkii laga gaaray dib u habeyn lagu sameeyay maamulka Gobolka Banaadir oo dadka banaadiriga ah ay heleen laba guddoomiye degmo oo kala ahaa: Xamarweyne iyo Shangaani.

Haddaba baaritaan socday muddo laba bilood ah, ayaa lagu ogaaday sababtii ka dambeysay isku shaandheyntii lagu sameeyay qaar ka mida guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir, isla markaana xilka looga qaaday guddoomiyihii Shangaani Mudane Saciid C/qaadir Saciid.

Waxaa la ogaaday in isku shaandheyntaasi ay ahayd fulinta heshiis ay wada galeen madaxweynihii maamulka Ximin & Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo ku saabsanaa shirkii maamul u sameynta Gobolada dhexe ee Cadaado ka socday. Heshiiskaasi waxaa Mudane Baarleex  loogu ogolaaday in  isaga iyo beeshiisa la siiyo xilal dowladeed iyo kharashaad kale si ay u tanaasulaan, kadibna u taageeraan musharxnimada C/kariin Guuleed.

Xilalkaasi oo ay ku jireen safiiro iyo xilal kale oo dowladeed waxaa ka mid ahaa guddoomiye degmo oo markii Madaxweynaha, Wasiirka arrimaha gudaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isla eegeen xaaladda la isla gartay in mid ka mida labadii guddoomiye ee beelaha Banaadiriga meesha laga saaro, kaasoo noqday guddoomiyihii degmada Shangaani.

Si qorshahaasi u hirgalo dadkana loogu marin habaabiyo ayaa la sameeyay isku shaandheynta qaar ka mida guddoomiyeyaasha degmooyinka oo qorshahani lagu hoos fuliyay, waxayna tani ka mid tahay arrimaha uu ku eedeysan yahay madaxweynaha mooshinku hadda ka yaallo ee ah inuu xilalkii iyo hantidii qaranka u adeegsaday ololaha shaqsi ay saaxiibo yihiin.

Natiijadii qorshahani wuxuu noqday in  Axmed Salaad Ibraahin loo magacaabo guddoomiyaha Guddoomiyaha degmada Hodon, xilakana laga qaado Guddoomiyihii degmada Shangaani Saciid Maxamed Saciid.

ISKU SHAANDHEYNTA LA SAMEEYAY June 9, 2015 WAXAA XILALKII LOOGU KALA BEDELAY:

  • Guddoomiyaha degmada Shibis ayaa Laga dhigay  guddoomiyaha Degmada Kaaraan
  • Guddoomiyihii Degmada Kaaraan waxxaa isna laga dhigay Guddoomiyaha Degmada Shangaani
  • Guddoomiyihii Degamada Waaberi  wuxuu noqday guddoomiyaha degmada Shibis.
  • Guddoomiyihii Degmada Hodon waxaa laga dhigay guddoomiyaha Degmada Waaberi

Isha: Goobjooge