Baaritaankii ugu weynaa oo kashifay hantida ay dibedaha dhigteen madaxda caalamka

Hantida iyo heshiisyada qarsoon ee hoggaamiyeyaasha caalamka, siyaasiyiinta iyo maalqabeenada ayaa lasoo saaray, kadib dokumentiyadii ugu ballaarnaa ee qaabilsan maaliyadda ee abid lasoo dusiyo.

Waxaana dokumentiydan lagu xusay in ka badan 35 madaxweyne oo hadda adduunka ka taliya, iyo kuwa horeba, kuwaasoo lala xiriiriyay in heshiis uu dhexmaray shirkado shisheeye, waxaana loogu magac daray Pandora Papers.

Waxay dokumentiyada shaaca ka qaadeen in boqorka Urdun uu si qarsoodi ah ugu keysaday 70 Malyan oo lacagta giniga gudaha dalalka UK iyo Mareykanka.

Waxay sidoo kale warbixinta muujineysaa sida ay u keydsadeen 312,000 oo lacagta giniga ah, oo ay leedahay ha’yadda canshuuraha, Ra’iisul Wasaarihii hore ee UK, Tony Blair, iyo xaaskiisa, kadib markii ay xafiis ka iibsadeen London.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee UK iyo xaaskiisa, ayaa iibsaday shirkad shisheeye oo laheyd dhismahaas.

Warbixinta lasoo dusiyay ayaa sidoo kale muujineysaa hantida qarsoodiga ah ee madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin u taallo Monaco, sidoo kale waxay dokumentiyada muujinayaan sida Ra’iisul Wasaaraha Czech Republic uu u wajahayo doorashada toddobaadkan la filayo inay ka dhacdo dalkaas, kaasoo ku guuldareystay in uu shaaciyo inta ay dhan tahay hantida uu geliyay shirkadaha shisheeye, taasoo uu adeegsaday inuu ku iibsado labo guri oo ku yaalla Faransiiska oo ay ku baxday 12 Malyan oo lacagta giniga ah.

Arrintan ayaa kamid ah warbixinadii sirta ahaa ee ugu dambeeyay ee daaha laga rogo 7-dii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa dokumentiyadan darsay ururka dabagalka warbaahinta ee ICIJ, kaasoo ay ka howlgalaan in ka badan 650 weriyeyaal.

Barnaamijka dabagalka ee BBC Panorama oo ay baaritaanka isla sameeyeen wargeyska The Guardian iyo warbaahin kale oo ay bahwadaag yihiin, ayaa waxaa u suuro gashay inay helaan 12 malyan dokumentiya ah, oo qaabilsan adeegyada maaliyadda shirkado ku yaalla dalal ay kamid yihiin British Virgin Islands, Panama, Belize, Qubrus, Imaaraatka Carabta, Singapore iyo Switzerland.

Madaxda qaar waxay wajahayaan eedeymo musuq maasuq, lacagaha sharci darrada ah iyo inay baal mareen shuruucda canshuur celinta.

Waxyaabaha ugu weyn ee lagu ogaaday warbixinta ayaa waxaa kamid ah sida madax iyo maalqabeeno caan ah ay si sharci ah, isla markaana qarsoodi ah ay uga furanayeen UK account-nada bangiyo, si ay hanti ugu yeeshaan halkaas.

Dokumentiyada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in milkiilayaasha 95,000 shirkadood oo laga leeyahay dalalka shisheeye inay ka dambeeyeen hantida ay madaxdaas sida qarsoodiga ah kusoo iibsadeen.

Waxay warbixinta sidoo kale muujineysaa sida dowladda UK ay ugu guuldareysatay inay bilowdo tallaabooyin ay ku diiwaangelineyso dadka iska leh shirkadahaa shisheeye, inkasta oo ay ballan qaaday in arrintaas ay sameyneyso xilli ay isa soo tarayaan walaaca ah in dadka dalkaas ka iibsaday hantidaas, ay lacago si sharci darro ah ay kusoo heleen ay ku dhex qarinayaan shirkadahaas.

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev iyo qoyskiisa ayaa lagu eedeeyay in hanti ay ka dhaceen dalkooda, waxay kamid tahay xogaha lasoo ogaaday.

Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in madaxweynaha Azerbaijan iyo dadka ku dhaw dhaw ay si qarsoodi ah ugu lug lahaayeen heshiisyo ganacsi oo laga fuliyay UK, kaasoo ay ku baxday 400 Malyan oo lacagta giniga ah.

Hantida boqorka Urdun

Dokumentiyada qaabilsan maaliyadda ee lasoo dusiyay waxay muujinayaan qaabka qarsoodiga ah ee hantida uu uggu keydsaday dalka UK boqorka Urdun, taas oo ka badan 100 malyan oo doolar.

Waxaa la ogaaday shirkado shisheeye oo ku yaalla British Virgin Islands iyo meelo kale in loolla baxsado canshuurta, taasoo uu adeegsaday boqorka Cabdullaahi II bin Al-Xuseen, si uu iibsado 15 guri, tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 1989.

Waxaana kamid ah hantidaas guryo ku yaalla deegaanka Malibu ee gobolka California, dalka Mareykanka oo ay ku baxday 50 Malyan oo lacagta giniga ah iyo guryo kale uu ka iibsaday London iyo deegaanka Ascot ee dalka UK.

Madaxda kale ee ku xusan warbixinta

  • Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo lix qof oo kamid ah qoyskiisa ayaa si qarsoodi ah u hirgeliyay shirakado shisheeye oo iyagu leeyihiin, kuwaasoo gaaraya 11 shirkadood, oo mid kamid ah shirkadahan ayaa lagu qiyaasay inay ku fadhido hanti gaareyso 30 malyan oo doolar.
  • Xubno ka tirsan qoyska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan iyo Golaha wasiirada ka ag dhaw iyo qoyskooda, ayaa la sheegay inay leeyihiin shirkado qarsoodi ah oo ku fadhiyo malaayiin doolar.
  • Shirkad dhanka sharciga ah oo uu aasaasay madaxweynaha Qubrus , Nicos Anastasiades ayaa u muuqata mid lagu helay lahaansho marin habaabin ah, oo la xiriirta shirkado laga hirgeliyay dibadda, waxaa lagu eedeeyay in isdaba marinta siyaasi Ruushka u dhashay, si kastaba, shirkadda sharciyeynta ayaa beenisay eedeymahan.
  • Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa la ogaaday in hantidiisa uu si qarsoodi ah ugu wareejiyay shirkad shisheeye, ka hor inta uusan ku guuleysan doorashadii 2019.
  • Madaxweynaha Ecuador, Guillermo Lasso, oo ahaan jiray maamule hore oo dhanka baananka ah, ayaa diiwaan gashaday hay’dad fadhigeedu yahay Panama, taasoo loo mariyo lacagaha la siinayo xubno ka tirsan qoyskiisa, iyadoo dadka maamulaya howlahaas ay joogaan Mareykanka ee gobolka Koonfurta Dakota.

Isha: BBC SOMALI