Sawirro: Iran iyo Azerbaijan oo dagaal uu ka dhex-qarxi rabo – Maxay isku hayaan?

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa Jimcihii dhoolatus milateri ka billowday meel u dhow xadka ay la wadaagto Azerbaijan, iyadoo xiisadda u dhaxaysa labada dal ee dariska ah ay ka dhalatay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka ay Azerbaijan la leedahay Israel oo ah cadowga soo jireenka ah ee Tehran.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in dhoolatusyada ay ka qeyb qaateen cutubyada gaashaaman iyo madaafiicda, iyo sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo helikobtarrada. Waxay ka bilaabeen meel u dhow isgoysyada Poldasht iyo Jolfa ee xuduuda Azerbaijan.

Iran ayaa muddo dheer dhaleeceynaysay xiriirka milatari ee Azerbaijan ay la leedahay Israel, iyadoo si weyn uga soo horjeeday kala iibsiga hubka ee labada dhinac.

Tehran ayaa sidoo kale ka digtoonayd dadka wadaniyiinta ah ee ku nool Turkiga iyo Azerbaijan oo ku dhiirrigelinaya damacyada gooni-u-goosadka dadka Azeri ee laga tirada badan yahay ee ku nool Iran.

Ka dib markii Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev uu sheegay in ay wax lala yaabo tahay Dhoolatuska ay Iran qabaneyso, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iran Hossein Amirabdollahian ayaa Khamiistii sheegay in qabashada dhoolatuska milatari ee  gudaha dhulkeeda ay qeyb ka tahay madaxbanaanideeda qaran.

Isagoo tixraacaya joogitaanka Israa’iil ee xuduudaha Iran, Amirabdollahian ayaa u sheegay safiirka cusub ee Azeri: “Iran uma dulqaadanayso dhaqdhaqaaqa nidaamka Sahyuuniyadda ee ka dhanka ah amniga qaranka waxayna qaadi doontaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah.”

Sida laga soo xigtay Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm (SIPRI), Israel waxay Azerbaijan siisay ilaa $825 milyan oo hub ah intii u dhexeysay 2006 iyo 2019.

Dhanka kale, Iran ayaa Jimcihii cambaareysay booqashadii wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil uu ku tagay Baxreyn si uu u xuso xiriirkii la sameeyay, isagoo sheegay in safarkaasi uu raad ku reebay hoggaamiyeyaasha dalalka Khaliijka Carabta oo “aan la tirtiri doonin”.