Sidee lagu xaliyey muranka kuraasta Aqalka Sare ee HirShabeelle ka harsan?

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa saacadaha soo socda ka dhacaya doorashada labada kursi ee ugu dambeysay, kana harsanaa xubnaha Aqalka Sare ku metalata maamulkaasi, kadib markii xal laga gaaray murankii hareeyey kuraastaas, kaas oo sameeyey habsami u socodka doorashooyinka.

Guddiga hirgelinta doorashada ee HirShabelle ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay dhaceyso doorashada kuraastaasi, si loo dhammeystiro doorashada xubnaha harsan.

Arrintan ayaa ku timid, kadib markii ay guuleysteen dadaallo muddooyinkii lasoo dhaafay socday oo xal loogu raadinayey is qab-qabsiga ka dhashay kuraastaasi.

Sidoo kale waxaa kursi ka mid ah labada kursi ee maanta la qabanayo doorashadooda si gaar ah loo xiray dumarka oo iyagu ku tartami doono.

Musharrixiinta tartameysa ayaa sidoo kale guud ahaan gaaraya illaa shan ruux, waxayna kala yihiin saddex rag ah iyo laba dumar ah.

Kursiga 1-aad (#UH14) waxaa ku tartamaya:

Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir.

Cali Shacbaan Ibraahim.

Cabdalla Cabdi Xuseen.

Kursiga 2aad (UH#08) waxaa ku tartamaya labo dumar oo keliya:

Naciimo Ibraahim Yuusuf.

ZamZam Cabdullaahi Axmed.

Dhinaca kale waxaa kursiga labaad ka tanaasulay musharraxiinta kala ah Abuukar Xasan Cali (Maqaney) iyo Maxamed Macalin Xasan (Kulmiye oo labaduba qoraallo ay ku caddeynayaan inay isaga hareen tartanka u gudbiyey guddiga hirgelinta doorashooyinka.

Halkan hoose ka aqriso:-