Xasan Daahir Aweys oo si yaab leh uga hadlay xiisadda Ahlu Sunna iyo Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys  oo weli u xiran dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa muuqaal uu iska soo duubay kaga hadlay xiisadda ka soo cusboonaatay gobolka Galgaduud, una dhexeyso Ahlu Sunna & Galmudug.

Xasan Daahir Aweys ayaa marka hore weerar afka ah ku qaaday labada dhinac ee is haya, gaar ahaan Macalin Maxamuud iyo Madaxweyne Qoor Qoor.

Sheekha ayaa shaaca ka qaaday in Macalin Maxamuud oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna uu u leeyahay aqoon gaar ah, wuxuuna tilmaamay inuu yahay shaqsi aan wax u ogoleyn dadka kale, isla-markaana uu kaliya wax la rabo naftiisa, caruurtiisa & walaalahiis.

“Waxa uu doonaayo qof la taqaano ma jiro qof uu wax ka siinaayana ma jirto waxa uu ka helo isaga ayey ku egyihiin iyo wixii uu isagu dhalay. Haddii uu wasiir doono waa wiilkiisa ama walaalkiis, haddii uu xoolo doono isaga soo dhaafi meyso,” ayuu yiri Sh. Xasan Daahir.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in madaxaweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) uu yahay qof iskala weyn Ummadda, wuxuuna sidoo kale ku eedeeyey in muddada uu joogay xafiiska uusan waxba ka qaban gobollada dhexe, sida uu hadalka u dhigay.

“Qoor Qoor Ummadda dhan ayuu is kala weyn yahay wax uu qaban karaana aan la arag. Bal intaas ayuu meesha joogay muxuu ka qabtay?. Laba qolo ma heshiisiin karo laba qof xittaa ma heshiisiin karo wax kama qaban karo ” ayuu markale yiri Sheekh Xasan Daahir.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Ahlu Sunna safiican ulama macaamiloon hadda marka ay wax uruursanaayeen kuma uu baraarugin meelahaas iyo meel jini ayuu wareegayaa. Sawir waaye caaqilna waa is-moodaa,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Ahlu Suna ay kusoo rogaal celisay gudaha Galmudug, waxayna dib ula wareegtay Guriceel & deegaan kale oo u dhow magaalada Dhuusamareeb.