Xog: DF oo CIIDAMO horleh ka dajisay Dhuusamareeb iyo wararkii ugu dambeeyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Galmudug ayaa sheegaya in saaka ciidamo horleh oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho laga dajiyey garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulkaasi.

Ciidamadan oo ka tiran kuwa Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa gaaraya illaa 200 oo askari, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ku biiri doonaan kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanada Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb, si ay uga qeyb-qaataan howl-gallo cusub oo ka bilaabanayo gobolka Galgaduud, gaar ahaan dagaalka Ahlu Sunna.

Galmudug ayaa haatan guluf dagaal ka wada caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana qorshaheeda uu yahay inay Ahlu Sunna ay dib ugala wareegto Guriceel.

Xaalad kacsanaan ah ayaa haatan laga dareemayaa gobolka, waxaana labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo sababi karo inuu dib u qarxo dagaal kale.

Tan iyo wixii ka dambeeyey, markii ay soo cusboonaatay xiisadda ka taagan Galmudug, dowladda ayaa bilowday inay ciidamo ku daabusho gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna ayaa weji cusub u yeeshay xaaladda Galmudug oo horey dagaal adag kula jirtay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan maamulkaasi.