Sawirro: Sidee FARMAAJO loogu soo dhoweeyey Addis?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababab ee caasimada waddanka Itoobiya, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Farmaajo ayaa waxaa garoonka Addis Ababa uga hortegay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, sida wasiirka maaliyadda dalkaasi, Axmed Shide.

Qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Farmaajo uu ka qeyb-galayo munaasabada caleema saarka ra’iisul wasaare Abiy oo dib loogu dhaariyey xafiiska.

“Madaxweynaha ayaa ka mid ah Madaxda dalalka Afrika iyo Caalamka ee lagu maamuusay ka qeyb galka munaasabaddan, iyada oo la adkeynayo xiriirka miro-dhalka ah ee ku dhisan is ixtiraamka Qarannimo iyo daris wanaagga ee ka dhexeeya Labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa kulan duceedyo la qaadan doono madaxda kala duwan ee ka qeybgalaya caleema saarka ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Safarkan waxaa Farmaajo ku wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasime Ku xigeenka Guud ee Madaxtooyada JFS Mudane Cabdi Nuur Maxamed Axmed.

Farmaajo iyo Abiy waa saaxiibo dhaw oo siyaasadeed, waxay kol-hore hoggaamiyaha kaligii talis ka ah ee Eritrea la yeesheen iskaashi abuuray tuhun badan, balse waayaahaan ma kulmin oo mid kasta xasarada ka oogan gudaha xukunkiisa ayuu ka badin waayey.

Si kastaba, safarkan ayaa noqonaya  kii ugu horeeyey ee Farmaajo uu dalka uga baxo, tan iyo 25-kii bishii April, xilligaas oo Muqdisho ay ka dhaceen qalalaase iyo isku dhacyo hubeysan oo looga hortegay mudo kororsigiisii labada sano ahaa.