Baarlamaanka cusub oo yeeshay guddoon KMG ah iyo kulan loo balansan-yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah teendhada Afisyooni uga dhacday munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labada aqal, taasi oo muddo dheer soo jiitameysay, kadib khilaafaad ka dhashay hannaanka doorashada.

Munaasabadda oo muhiim u aheyd dhammeystirka doorashada, ayaa waxaa qeyb ka ahaa dhaarintii maanta xildhibaanada kasoo baxay Koonfur Galbeed, kadib markii xal laga gaaray tabashadii madaxweyne Lafta-gareen.

Kadib intaas labada aqal ee baarlamaanka ayaa yeeshay guddoon kumeel-gaar ah, kaasi oo shir-guddoomin doona kulanka lagu dooranayo guddoonka rasmiga ee labada aqal ee baarlamaanka 11-aad.

Gudoomiyeyaasha KMG ee ayaa kala ah, Golayaasha Shacabka oo ah; Cabdisalaan Xaaji Liibaan (Dhabancad) iyo Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab oo ah Aqalka Sare.

Dhabancad iyo Gaagaab ayaa ah labada qof ee ugu da’da weyn labada aqal, waxaana muuqata in sidaas uu ku fashilmay isku day ay Villa Somalia ku rabtay in xubno ay wadato uu noqdo guddoonka kumeel-gaarka ah.

Guddoonkan ayaa sheegay in aan waqti la lumin doonin, islamarkaana ay bilaaban doonaan kalfadhiyada baarlamaanka 11-aad, kaasi oo kulankiisa u horeeya isugu imaan doonaan maalinta Sabtida ah.

Si kastaba, Xildhibaanada cusub ayaa waxaa hortaalla shaqo adag, waxaana ugu horeysa doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal iyo doorashada madaxweynaha, oo ah midda sida weyn loo wada sugayo.