BF oo ku dhaggan Yuusuf Garaad kadib markii uu ka weecday sharciyo muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Yuusuf Garaad Cumar ayaa lagu wadaa in maanta uu hortago Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Wasiirka ayaa la filayaa in wax laga weydiiyo shaqada Wasaaradda arrimaha Dibadda Somalia, kadib markii laga geeyay mooshin lagu dalbanaayo in su’aal lagu weydiiyo.

Mooshinka laga gudbiyay Wasiirka ayaa waxaa ku saxiixan Xildhibaano dhan 11 kuwaa oo ku heysta in Wasiirka uusan dhaqan galin sharci Lr. 112 sharciga shaqaalaha arrimaha dibadda ee dalka.

Sharciga lagu heysto Wasiirka oo dhaqan galay 05/09/2013 gaar ahaan qodobkiisa 1aad (b) iyo qodobka 4aad ee shuruudda diblomaasiga dibadda loo diraayo.

Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Wasiir Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale ku doodaaya in Wasiirka uu ka weecday qaabka awood qeybsiga beelaha 4.5 iyo qoondada beel walbo ay ka tahay in ay ka hesho shaqaalaha arrimaha dibadda.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa doonaaya in Wasiirka ay su’aal ka weydiyaan qorshaha fulinta ku dhaqanka sharciga shaqada Arrimaha dibadda ee Lr 112.

Ma cadda waxa uu Wasiirka kala kulmi doono Xildhibaanada baarlamaanka waxaana lagu wadaa in Wasiirka loo mudeyn doono xiliga dhaqan galinta sharciyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com