Baarlamaanka Puntland oo amray in si deg deg ah gacanta loogu soo celiyo Tukaraq: Akhri

Garowe (Caasimada Online)- Kulan ay yeesheen guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayey xukuumadda kaga dalbadeen in ay xoogga saarto sidii degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ay dib ugu celin lahaayeen gacanta Maamulka Puntland.

War-saxaafadeed uu ku saxiixanyahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayey Guddigu ku taageereen qorshaha Xukuumadda ee ah in Puntland ay difaacato degaannadeeda oo ay ka mid tahay Tukaraq.

Sidoo kale Xubnaha Baarlamaanka ayaa magacaabay Guddi la socda xaaladda amaan iyo difaaca degaannada Puntland.