Maxaa ka jira in taliye Saciid Mariino kuxigeenkiisa uu u dilay muran canshuur: Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online)- Saciid Aadan Dheere oo loo yaqiin “Saciid Mariino” ayaa kuxigeenkiisa uu si bareer ah ugu dhex toogtay gudaha xafiiska uu ku howlgalayay oo ku dhex yaal dekadda magaalada Muqdisho.

Sida ay ku warameen ilo xog-ogaal ah Taliye Saciid Mariino ayaa waxaa toogtay kuxigeenkiisa, kadib markii ay ku murmeen lacagaha canshuurta ee laga qaado gaadiid badeedka ee kusoo xirta dekadda, taasoo keentay in Taliye kuxigeenka uu toogtay taliyihiisa Saciid Mariino.

Taliye kuxigeenka falkaan ayaa ciidamada amaanka ee dekadda ka howlgala ay gacanta ku dhigeen, waxaana bilowday baaritaan arrintaan foosha xun ku saabsan.

Taliska Ciidanka Badda iyo laamaha ammaanka ee dowladda ayaan dhiibin war ku saabsan dilka loo geystay Taliyaha ka tirsan qeybaha Talisyada Ciidamada Badda Soomaaliya.

Tani waxay muujineysaa muranada ka dhasha masuqmaasuqa baahsan ka jira xafiisyada dowladda iyo sida uu ugu baahsan yahay musuqa qeyb walbo oo xafiis dowladeed ah.

SAWIRRADA TALIYAHA LA DILAY SACIID MARIINO