P/L oo go’aan kale oo yaab leh kasoo saartay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Siciid Xassan Shire oo ah Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland , ayaa sheegay in Maamulka uusan wax xiriir ah haba yaraatee kala dhexeyn DF Somalia.

Waxa uu sheegay in Baarlamaanka Puntland uu mowqif adag ka qaatay DF Somalia, waxa uuna sheegay in Baarlamaanka Puntland uusan xiligaani Dowladu uga baahneyn waxgarab ah amaba dhaqaale.

Waxa uu Guddoomiyuhu tilmaamay inaysan waxba iska badalin Mawqifka Golaha sharci dajinta Puntland ay ka qaateen Dawladda Federaalka Somalia, sida uu Siciid Xassan Shire hadalka u dhigay.

‘’Puntland diyaar uma aha inay soo celceliso arrimaha DF Somalia, Mowqifkayagu uu Baarlamanka Puntland ka qaatay arrimaha Federaalka waa halkiisii waxba iskama bedelin’’

‘’Waad la soctaan Madaxweynuhu Xamar buu tagay dhawaan shir buu kaga qayb galay wuxuu jeediyay Mawqifka Puntland ay ka qabto shirka, haddii DF ay arrimaha taagan wax ka bedesho suuragal balse sida uu xaalku yahay iminka Puntland waxa ay ku taagan tahay mowqifkeedii hore’’

Waxa uu sidoo kale sheegay in Baarlamaanka Puntland uu howshiisii guto, islamarkaana DF Somalia aysan u joojin doonin horumarada iminka socda.

Geesta kale, wuxuu sheegay in dhawaan qalab Casri ah oo Kaamirooyin ay ka mid yihiin lagu xiri doono hoolka Baarlamanka Puntland.

Haddalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa u muuqanaaya mid lagu abuuraayo Xasarad Siyaasadeed oo sii kala fogeyn karta Bulshada Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com