Daawo sawir gacmeed qosol leh oo lagu cabiray heerka uu Cumar C/rashiid ka gaaray qabyaalada

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkaani cajiibka ah ayaa waxa uu ka turjumayaa heerka uu Ra’isul wasaare Cumar ka gaarsiisan yahay qabyaalada iyo u kala eexashada Beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Sawirka ayaa lagu cabiray sida xowliga ah ee Ra’isul wasaare Cumar uu u sara qaadayo qabiilada uu kasoo jeedo, halka Madaxda kale ee DF Somalia ay iyaguna ka mashquulsan yihiin sinaanta iyo Cadaalada Umadda Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa inta badan Xafiiskiisa ka howlgaliyay Mas’uuliyiin ay isku heeb yihiin kuwaasi oo uu doonaayo inuu kaga awood badnaado wakhtiyada dhow Madaxweyne Xassan.

Sawirkaani xikmadeysan ayaa muujinaayo in Ra’isul wasaare Cumar uu si gaar ah u daajinaayo beelaha ay qaraabada yihiin waxaana halkaasi ka muuqaneysa in qabyaalada ay wali ku weyn tahay Madaxda Qaranka.
ccc