XOG: Cumar Cabdirashiid oo Muqdisho keenay Aw-libaax iyo Maxamud Sayid Aadan + Qorshaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa gaaray xubno muddooyinkii ugu dambeeyay wadahadal la lahaa madaxweynaha maamulka Jubba ee uu hogaamiye Axmed Maxamed Islaam Madoobe, wadahadalkaasi oo ka socday magaalada Kismaayo.

Sida aan xog ku heley magaalada Kismaayo waxaa kasoo tagay Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamuud Yuusuf Aw-libaax oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Kismaayo, balse waxay wararka sheegayaan in magaalada u yimaadeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo wadahadal ay la galayaan.

Wararka ayaa sheegaya in Mr Aw-libax uu sheegay in wadahadalada aysan joogsan doonin, laakiin Muqdisho ay xiligan u yimaadeen iney kulamo la qaataan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali.

Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in masuuliyintaasi magaalada Kismaayo kaga soo tageen caro ay ka qaadeen qaabka loo wado wadahadalka ay la leeyihiin madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Cumar Cabdirashiid, ayaa maalmahan wada dadaallo uu aad ugu caawinayo Jubaland, isaga oo sidoo kale hab qabyaalad iyo sed bursi ku dhisan ugu magacaabay xubno sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com