8 qof oo Ethiopian ah oo Puntland ku nafwaayey kadib markii…

Boosaaso (Caasimada Online) – Sideed qof oo Itoobiyaan ah, ayaa maanta ku dhimatay shil ka dhacay wadada xiriirisa Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, xilli dadkaasi ay ku sii jeedeen Xarunta Gobolka Bari.

Gaari uu noociisu ahaa candho-meedle, ayaa waxaa la tilmaamay in rarka laga badiyay, taasina ay sababtay in gaarigu uu ku qalibmo duleedka Magaalada Qardho, waxaana gaariga saarneyd ugu yaraan 120 ruux.

Jamaal Axmed Yaasiin oo ka mid ahaa dadkii la socday gaarigaasi, ayaa sheegay in rarka gaariga uu u muuqday mid aad looga badiyay intii loogu talla-galay.

Ugu yaraan 40 ka mid ah dadkaasi, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku dhaawacantay shilkaasi, iyadoona tiro ka mid ihi laga deyrinayo xaaladooda caafimaadeed.

Jamaal wuxuu sheegay inay jiraan dad badan oo dhaawacyo culus uu ka soo gaaray shilkaasi, ayna suurtagal tahay in dhimashadu ay ka badato tirada iminka laga warqabo.

Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar sheegaya in dadkaasi ay ahaayen tahriibayaal doonaayay, in ay ka amba baxaan Dekeda Boosaaso, inkastoo aanay weli wax war ihi ka soo saarin Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com