Somaliland oo jawaab adag siisay DF SOMALIA!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Maamulka Somaliland Axmed Aaddan Ismaaciil, oo magaalada Hargeysa kula hadlay Saxaafada ayaa si adag uga jawaabay haddal dhawaan kasoo yeeray DF Somalia.

Axmed Aaddan ayaa sheegay in DF Somalia ay sii laba jibaareyso faragalinta ay ku heyso Somaliland, waxa uuna beeniyay wararka sheegaya in Dowlada Somalia ay la furi doonaan wada hadal.

Waxa uu sheegay in warbaahinta uu ka dhageystay in Ra’isul wasaare ku-xigeenka Somalia Max’ed Cumar Carte uu rajo ka qabo wada hadal mar kale ay Dowlada la gasho Somaliland waxa uuna tilmaamay in goor hore ay soo xireen albaabada wada hadalka.

Waxa uu tilmaamay in xiligaani Somaliland aysan diyaar u ahayn wada hadal lagu doonayo Somaliweyn,waxaana uu intaa ku daray in dadka Maamulka Somaliland ay u tashadeen sida dadka Jabuuti,Somalida Itoobiya iyo Gobollada Waqooyi bari Kenya oo kale.

Waxaa uu sheegay Wasiir ku-xigeenka in Somaliweyn la soo celin karo marka Jabuuti iyo Soomaalida Itoobiya iyo tan Kenya ay aqbalaan Somaliweyn.

Axmed Aaddan Ismaaciil waxa uu intaa raaciyay in Beesha caalamka ay ka diideen in lasii wado wada hadalka kala dhexeeya DF Somalia, iminkana aysan diyaar u aheyn inay la fadhiistaan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in Somaliland aysan aqbali doonin in Dowlada ay kula fadhiisato magac maamul Goboleed, waxa uuna taasi ku tilmaamay riyo uu usoo dhoodhoobay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com