Ahlu-Sunna oo weerar la damacsan GALMUDUG

Dhuusoareeb (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Ahlu-Sunna ayaa waddo qorshe ay weerar ugu qaadayaan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, oo maamulka Galmudug uu maamulo, sida laga soo xigtay masuuliyiin k atirsan maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlu sunna ayaa laga soo xigtay iney doonayaan iney dib u qabsadaan degmo dhawaan gacantooda ka baxday oo ciidamada Galmudug ku sugan yihiin.
Wararka aan ka heleyno Dhuusomareeb ayaa sheegaya in magaaladaasi uu ka socdo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay sameynayaan ciidamada maamulka Ahlu sunna, kuwaasi oo la sheegay iney ku wajahan yihiin degmada Caabudwaaq.
Degmada Caabudwaaq ayaa ciidamo kooban oo taageersanaa Ahlu sunna laga saaray kadib dagaal ka dhacay degmadaasi oo lagu qaaday wasiir ka tirsan maamulka Galmudug oo lagu magacaabo C/ladhiif C/laahi Warsame.
Dadka ku dhaqan degmada Caabudwaaq ayaa markii ay ka warheleen arintaasi waxay muujiyeen baqdin ay ka qabaan dagaalo kale oo ka dhaca degmada oo waxyeelo rayidka ay kasoo gaarto.
Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
Caasimada@live.com