Xog: Muungaab oo hanjabaad culus u jeediyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa digniin kama dambeys ah u jeediyay milkiilayaasha guryaha magaalada Muqdisho oo uu sheegay in canshuur qaadis lagu bilaabayo.

Gudoomiye Muungaab ayaa sheegay in maamulka gobolka uu bilaabayo inuu qaado canshuurta guryaha ku yaalo magaalada Muqdisho, loona baahan yahay dadka guryaha iska leh iney u hogaansamaan.

Wuxuu digniin u jeediyay dadka iska leh guryaha Jajabsan ee ku yaala magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in hayadaha dowlada ay la wareegayaan haddii aanan canshuurta laga bixin.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dadka ku dhaqan guud ahaan magaalada Muqdisho laga doonayo iney bixiyaan canshuurta haddii kalana ay la wareegi doonaan.

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay qaadista canshuuraha ayaa ah in muddo sanad ah hal mar canshuurta ay qaataan kadibna dhaqaalaha kasoo xaroodo loo adeegsado doorashada sanadka 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com