Puntland oo ka hortimid digniin ay u jeedisay QM

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Hay’adda macdanta iyo shidaalka Maamulka Puntland, ayaa lagu xaqiijiyay in Maamulka uu qaadacay baaqa QM ee ku aadan qorshaha Puntland ee shidaal barista.

Saraakiisha Hay’adda macdanta iyo shidaalka Puntland ayaa sheegay in baaqaasi uu yahay mid aysan aqbali doonin Puntland islamarkaana ay u aragto in QM ay hoos u dhigeyso Horumarka Maamulka.

Agaasimaha Hay’adda macdanta iyo shidaalka Puntland Ciise Maxamed Faarax, ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu garanaayo wixii maslaxad u ah, sidaa darteedna ay kasoo horjeedan in dib loo dhigo qorshaha barista Shidaalka.

Waxa uu sheegay inay tixgalin gaar ah siinayaan QM balse arrinka la xiriira barista shidaalka aysan Puntland ka laaban doonin, islamarkaana QM looga baahan yahay inaysan kusii fogaan faragalinta waxyaabaha horumarka u horseedi kara Puntland.

Waxa uu tilmaamay in Puntland ay ka go’an tahay inay ka mirro dhaliso hadafkeeda ah inay lasoo baxdo kheyraadka uu dhulka hodanka ku yahay, sidaa awgeedna QM looga baahan yahay inay horboodo mashruuca soo saarista Shidaalka.

” Waxaan u argnaa talaabo qalad ah in QM xanibaad kusoo rogaan Somalia oo ka baxday dagaalkii sokeeye diyaarna ay u tahay inay horumariso Siyaasadda iyo dhaqaalaha,”

Haddalka Puntland kasoo yeeray ayaa daba socda hadal dhawaan uu baahiyay Wasiirka Maaliyada Somalia Fargeeti kaasi oo ahaa in DF Somalia aysan u hogaansami doonin dib u dhac lagu sameeyo baaritaanka Shidaalka oo ay Somalia la gashay Shirkado Caalami ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com