26.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo qaaday tallaabo muhiim ah + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxayna qaadeen tallaabo muhiim ah oo ku aadan sameynta xeer hoosaadka golaha.

Kulanka oo ahaa mid ay soo xaadireen inta badan xildhibaanadu ayaa waxaa guddoomiyay  Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Marwo Amran Axmed Xasan iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame, wuxuuna kulankan ahaa kii todobaad ee kal-fadhiga koowaad ee Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Ajendaha fadhiga maanta waxa uu ahaa akhrinta 1-aad ee qabya qoraalka xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, waxaana kooramka fadhiga uu ahaa 50 Mudane.

Intaas kadib golaha ayaa loo akhriyay nuqulka qabya qoraalka Xeer-hoosaadka akhrintiisii 1-aad, sida uu dhigayo Dastuurka Dawlad-goboleedka Waqooyi Bari, qodobkiisa 55-aad, farqadiisa 11-aad, ee qeexaya in goluhu samaysto Xeer-hoosaad lagu nidaamiyo hawlahooda.

Xildhibaannada sidoo kale ayaa dood adag ka yeeshay qoraallada loo qabiyay, waxayna fikradahooda ka dhiibteen nuqulka xeer-hoosaadka loo sameynayo golahooda,

Dhankiisa guddoomiye Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo kulanka ka hadlay aya u mahad celiyay guddiga soo diyaariyay qabya qoraalka Xeer-hoosaadka, waxa uuna siiyay xildhibaannada fursad ay kusoo akhriyaan Xeerka iyada oo lagu balamay in akhtinta 2-aad lasoo jeediyo maalinnimada Talaadada ah, taariikhduna ku beegantahay 16 September.

Ugu dameyn guddoomiyaha golaha Wakiillada ayaa soo xidhay fadhigii maanta, wuxuuna xildhibaannada ka codsaday inay soo akhriyaan nuqulka xeer-hoosaadka ee loo dhiibay, si kulanka soo socda dood looga yeesho, kadibna loo meel mariyo.

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo dhawaan la dhisay ayaa durbo qabtay shaqooyin waa wayn, waxaana kamid ah qabsoomidda doorashada, isagoo ku guuleystay inuu soo doorto madaxweyne & ku xigeen oo loo doortay Cabdulqaadir Firdhiye iyo Cabdirashiid Abwaan.

- Advertisement -

Read more

Local News