Kismayo (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbland ayaa si deg-deg ah uga jawaabay hadal kasoo yeeray Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay barnaamij dadweyne, isagoo kusoo hadal qaaday arrinta xiisada Jubbaland.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar oo qoraal dheer soo saaray ayaa 5 qodob ugu jawaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Jubbaland ay xaq u leedahay inay ka tashato masiirkeeda siyaasadeed iyo dastuurkeeda, si waafaqsan nidaamka federaalka dalka.
Cabdifitaax ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland ay tahay dowlad xubin ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana dastuurka federaalka iyo kan Jubbalandba ay si cad u siinayaan xaqa ay u leedahay furista iyo wax ka beddelka dastuurkeeda. Wuxuu tusaale u soo qaatay in Jubbaland ay hore u beddeshay qodob oggolaanaya in Madaxweynaha Jubbaland mar kale isu sharaxi karo xilka, taas oo uu ku tilmaamay xuquuq sharci ah oo aan la dafiri karin.
“Sida dowladdu federaalka u furtay dastuurka si lamid ah ayey jubbaland ufurtay qodobo uga beddeshay – tusaale ahaan in Madaxweynaha Jubbaland loo oggolaaday inuu mar kale isku sharaxi karo xilka MD– Jubbalandna xaq ayey u leedahay in ay dastuurkeeda wax ka beddesho ama qodobo cusub ku darto, si waafaqsan rabitaanka shacabka iyo Dastuurka jubbaland u ogolyahay. Xuquuqdan waxaa lagu dhisay mabda’a sinnaanta iyo wadajirka federaalka, mana aha arrin lagu murmi karo, waana xuquuq uu dastuurka Jubbaland si cad u siinayo” ayuu yiri wasiirku.
Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-
Farriin Furan Mudane Ra’iisul Wasaare,
Salaan sharaf iyo qaddarin ka dib, farriintan furan waxay jawaab iyo falcelin toos ah u tahay hadalkii aad xalay jeedisay. Ujeeddadaydu ma aha in muran iyo khilaaf cusub la abuuro, balse waa inaan si cad oo ixtiraam leh u muujiyo aragtida Jubbaland ee ku aaddan arrimaha la xiriira dowladnimada, dastuurka iyo xiriirka federaalka.
Waxaan aaminsanahay in doodaha siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanta loo wajaho hab waddaniyad ku dhisan, si xal iyo is-afgarad loogu helo wixii tabasho ah. Jubbaland waxay ka mid tahay dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka, ku dhisan dastuurka Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna waxay leedahay xuquuq iyo awood ay ku maamusho masiirkeeda, iyadoo weliba ku dhaqmeysa wixii dastuurka federaalka u oggol yahay. Sidaa darteed, jawaabtan waxaan ku doonayaa in ay noqoto mid wax dhisaysa oo horseed u noqota wada shaqeyn iyo kalsooni.
Qodobada muhiimka ah ee jawaabta u baahan ee uu xalay codsaday in RW looga jawaabo ayaa hoos ku xusan:
- Xildhibaanada Jubbaland waxay xaq u leeyihiin oo uu dastuurka u ogolyahay in ay furaan dastuurka iyo inay wax ka beddelaan, taas oo ah awood ay si toos ah u siinayo nidaamka federaalka iyo sharciga dalka. Xuquuqdan ma aha mid Jubbaland oo keliya gaar u ah, balse waa mid ay leeyihiin dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.
Sida dowladdu federaalka u furtay dastuurka si lamid ah ayey jubbaland ufurtay qodobo uga beddeshay – tusaale ahaan in Madaxweynaha Jubbaland loo oggolaaday inuu mar kale isku sharaxi karo xilka MD– Jubbalandna xaq ayey u leedahay in ay dastuurkeeda wax ka beddesho ama qodobo cusub ku darto, si waafaqsan rabitaanka shacabka iyo Dastuurka jubbaland u ogolyahay. Xuquuqdan waxaa lagu dhisay mabda’a sinnaanta iyo wadajirka federaalka, mana aha arrin lagu murmi karo, waana xuquuq uu dastuurka Jubbaland si cad u siinayo.
- Waa run in ciidamo ay joogeen Kismaayo, Dhoobley, Ceelwaaq iyo Gedo, balse joogitaankoodu wuxuu ku dhisnaa heshiis la isla ogaa oo u dhexeeyay Jubbaland iyo dowladda federaalka. Hase yeeshee, ciidankii la geeyay Kaambooni waxay ahaayeen kuwo dano siyaasadeed oo gaar ah wata, waxayna geysteen rabshado iyo khasaare dadweyne. Subax hore ayey weerareen ciidankii Jubbaland ee fariisinka ku sugnaa, taas oo sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakac, iyadoo aan weliba la ilaawin fadeexaddii ciidanka qaranka ee xuduudaha ka tallaabay.
- Ra’iisul Wasaare, askariga Soomaaliyeed ee diyaarad lagu keenay Baladxaawo ee xadka wuxuu sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac qoysas Soomaaliyeed, arrin laga hortagi karayna ahayd. Waxaa murugo leh in askarigaas dartiis ay u dhinteen dad walaalo ah, xigto ah, ood-wadaag ah. Intaas ka sokow, adeegyo dowladeed oo muhiim ahaa ayaa meesha ka baxay. Ujeedada ciidamadaas loo soo diray waxay ahayd cadaadis iyo in Jubbaland lagu dhib galo, gaar ahaan kadib fashilka Raasgaambooni. Wali fursad baa jirta in ciidankaas meesha laga raro, askarigana dib loo celiyo.
- Waxaa kale oo la hilmaamay, Ra’iisul Wasaare, inta aad joogtay xilka RW in la xayiray diyaaradaha garoomada Jubbaland, taas oo culays xooggan ku noqotay bulshada: hooyooyinka, waayeelka, iyo bukaannada safarka caafimaad u baahnaa. Dad badan ayaa u geeriyooday xannibaaddaas.
- Sidoo kale, waxaa xusid mudan in deegaanka aad ka soo jeedo cunaqabateyn la saaray oo laga jartay mashaariicdii muhiimka ahaa, halka deegaan nabdoon ciidan lagu qaaday halkii horumar lagu dhiirrigelin lahaa oo DF ugasoo dhicin lahayd adeegyada ka maqan Jubbaland.
Soomaaliya waa dal federaal ah, Jubbalandna waxay xaq u leedahay inay ixtiraamto dastuurkeeda iyo go’aannada ay si sharci ah u gaarto, iyadoo sidoo kalena ku dhaqmeysa wixii dastuurka federaalka u oggol yahay. Waxaa lama huraan ah in xuquuqdaas dastuuriga ah la dhowro, si loo helo wada shaqeyn iyo dowladnimo adag oo ka tarjumeysa rabitaanka shacabka.
Jubbaland waxay xaq u leedahay inay ka hadasho masiirkeeda, ka tashato mustaqbalkeeda, iyo in go’aankeeda la ixtiraamo. In aan wada joogno sharci la’aan waxaa ka wanaagsan in aan ku wada noolaanno sharci iyo nidaam cad.
Soomaalidu waxay tiraahdaa: “Gacanta aad goyn weydo waa la dhunkadaa.” Ixtiraam iyo qaddarin.

