24.1 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Sawirro: Qarax ay soo abaabuleen Al-Shabaab oo laga hortegay – Sidee?

Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo ay maanta ciidamada dowladda ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu fashiliyay qarax ay soo diyaariyeen Al-Shabaab.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa deegaannada Lambar-konton iyo Muuri ayaa lagu soo saaray miino ay waddada ku aaseen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October Dhamme Cali Mahdi Cabdi Beerdiide oo howlgalka hoggaaminayay ayaa xaqiijiyay in qaraxa laga hortegay, isaga oo aan gaysan wax dhibaato ah, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamadu ay ku guuleysteen inay ka fashiliyaan dhagarta kooxaha Khawaarijta.

Beerdiide ayaa sidoo kale tilmaamay in ujeedka kooxda uu ahaa in qaraxaas ay ku dhibaateeyaan shacabka ku safraya iyo gaadiidka isaga kala goosha gobolka intiisa kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgallada, si amni loogu soo dabaalo aagga deegaannadaas oo mararka qaar ay dhuumaaleysi ku yimaadaan Al-Shabaab.

Malamihii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan Shabeellaha Hoose, waxayan ka xorreeyay deegaannada Bariire, Sabiid iyo Canoole.

Intii ay socdeel dagaalladii lagu xoreeyay deegaannadaas, ciidamada ayaa sidoo kale qarxiyay gaadiid ay qaraxyo kasoo buuxiyeen Al-Shabaab, kuwaas oo duqeyn lagu burburiyay.

Dowladda Federaalka ayaa haatan sii laba jibaartay dagaalka, waxaana la sii xoojiyay ciidamada ku sugan furimaha hore, kuwaas oo howlgaladii ugu dambeeyay kasoo hooyay guullo waa wayn.

- Advertisement -

Read more

Local News