BAARLAMAANKU BOOTO BADANAA!!

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa lagu soo xulay 4.5, waxa uu ka kooban yahay 275 Xildhibaan, oo masuul ka ah 10 Milyan oo Soomaali ah, Halkii Xildhibaan waxa uu masuul ka yahay (36,363 qof), wuxuu magacooda ku qaataa Mushaar iyo Gunno,wuxuu xilka iyo Darajada ku helay Magacooda,nasiib xumo xildhibaan Bulshada soo dhex galo oo la nool lama hayo, Xildhibaan dadka Xoolo siiya ama Dhaqaaleeya waa yar-yahay, Xildhibaan Ummadda la Xanuunsada waa yar yahay, Xildhibaanada Xilka loo idmay sida badan Ma gutaan, Shirarka Baarlamaanka waa ka maqan yihiin, Qaar waxay iska jiifaan Hoteelada Xamar, Qaarna waxay Dalxiis ugu maqan yihiin Dunida Afarteed geesood.

Shirka Baarlamaanka Mar waa la qabtaa marna waa Baaqdaa , sida badan ma nasto, Doodahooda iyo Dadaalkooda wax dadka soo gaaray maaha, hase yeeshee dadaalkoodu ma yara, Kalfadhiyada shirarkooda ma yara, buuqoodu ma yara, Mooshin keenid kama Tanaasulaan, Cod u qaadida kalsoonida aad iyo aad ayey u jecel yihiin, Haye yeeshee wax soo saarkoodu aad iyo aad ayuu u hooseeyaa, Baahidii Bulshadu ka sugeysay wali ma buuxin, sida badan Baled iyo Baadiyo war uma hayaan, waxay noqdeen Lax Dhukan Abaar moog, waxaa jiro tiro yar oo xildhibaano ah, oo si geesinimo ah oo Naf hurid ah Goboladii ay ka soo jeedeen howlo shaqo u tagay,balse aan buuxin Karin baahida ay bulshadoodu qabto, isagoo u soo balan qaado wixii ay u baahan yihiin,

Waxaa Dhagaheenna marar badan ku soo dhaca in Kalfadhii Baarlamaanka uu u baaqdey Kooram la’aan ,waxaana markii arrintaan ay badatey Boorka iska jafey Gudoomiyha Baarlamaanka Mudane Maxamed Shiish Cismaan Jawaari oo digniin u direy Xildhibaanada ka maqan Kalfadhiyada Baarlamaanka , hase yeeshee weli waxaa taagan Arrintii uu digniinta ku bixiyey Afhayeenka Baarlamaanka, iyadoo Shacabka ay is lahaayeen Talaabo ayaa la qaadi doonaa ,waxaana arrinkaan mar aan wax ka weydiiney Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa yiri” Digniinta Gudoomiyha waa mid aan shaqeynetyn waayo Xildhibaanka waxaa soo xushey Beeshiisa marka Xildhibaan ku yimid magac beeleed way adag tahay in Tilaabo laga qaado marka arrinta ku Gudoomiyaha waxay ahayd in si kale loo dhigo.

“inta Doorasho ay ku imaanayaan Xildhiobaanada waxaan ku talin lahaa in Arrimaha qaar Xaal Mastuur lagu dhameeyo “ayuu yiri Xildhibaan ka ka tirsan Baarlamaanka oo diidey in Magaciisa la sheego waxaa uu sii raaciyey” wax badan baan Xildhibaan ahaa, Xildhibaanada maanta joogo waa kuwii ugu qaboobaa uguna Jilicsanaa ee uu soo maro Baarlamaanka Soomaaliyeed waayo dib u eeg Dowladihii soo marey Xildhibaanadooda waxay ahaayeen kuwa aad ula Xisaabtama Xukuumadda iyo Dowladda marka taas waxaa caddeynaya in Dolwadihii na soo marey qaar ay yeesheen ilaa Saddex Raiisul wasaare Laba Gudoomiye Baarlamaan waxaan ku talin lahaa Xildhinaanada maanta jooga in ay Boorka ha iska Jafaan waayo Amaanka ma fiicna , Dhaqaalaha ma fiicna Ciidamada Mushaar ma qaataan , Shaqaalaha Dowladda kaba sii daran waxa jira weli Musuq Maasuq iyo wax is daba marin”

Xildhibaan kale oo diidey in Magaciisa la sheego ayaa dhaliiley u jeediyey qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka kuwaa uu sheegey in aad ugu bateen Warbaahinta loona adeegsado mararka qaar Siyaasado Xukuumada iyo Dowladda looga soo horjeedo waxaa uu sii daba dhigey “Xidhibaan Sharaf leh baa tahay meelaha qaar ma wanaagsan in aad ka hadsho weliba Baarlamaanku waxaa uu leeyahay Guddiyo iyaga ayaa ku haboon in ay ka qayb galaan Doodaha qaar laakiin dood wax Dumineysa kuma haboona in uu Xildhibaanku ka qayb galo welibana ay caadifad ku jirto soomaalida waxay tiraahdaa meel waliba ka Muuqo waa lagu Muuna Beelaa “

Hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa dadka qaar ay leeyihiin haddii uusan fulin Karin oo uusan talaabo ka qaadi Karin Xildhiaanada waxay ahayd in uu iska Amuso waxayna Soomaalida Tiraahdaa “Af Daboolan Dahab waaye” hadii kale Gudoomiyaha Baarlamaanka waa in uu ka dhabeeyaa oo wixii Xeer hoosaadka u ogal yaha ku Dhaqaaqoy si ay Adaab u yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood oo u soo joogey Fowdada iyo qar iska Tuurnimada sidaa darteed,Xildhibaanada Soomaaliyeed Xilkii loo idmay sida badan Ma buuxin, Baahidii Shacbigu wali waa taagan tahay, Bootada Baarlamaankana waa badan tahay balse la arki doonee Bootada Baarlamaanka Halka ay ku Dhamaato.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay u gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online