JAWAAB: HAWIYE Dhegoole maahee waa dhug badane. (Faallo xasaasi ah)

Waa su’aal culus ee rag ah? Waxaa gole ragga madlanyahay iyo geed la wada fadhiyo layska waydiiyey arrimo dhowr ah, iyadoo xujo, halxiraale iyo nin waliba inta garaadkii la eg-yahay looga golleeyahay. Oday aan timihiisa mid madoobeyn ayaa dhex dhigay su’aal qiraweyn oo ah: Yaa rag lagu tilmaami karaa?. Jawaabtii ayaa ninba meel ula kacay, ninba qaab u tilmaamay. La yiri nin ragg ahi waa deeqsi, geesi, codkar ama aftahan. Odaygii wuxuu ugu warceliyey idinma weydiin astaamaha ninka ragga ahi leeyahay, ee waxaan idin warsaday, inaad ii qeexdaan waa kuma ninka ragga ahi?

Shib ayaa la wada yiri! Arrinkiina adigu sheeg iyo xujada fur ayuu dhaafi waayey, dadkii hore ma ahayn sida dadkan loo abuurey muranka iyo doodda ee waxay ahaayeen dad kala garqaata, qofku wuxuu tahli waayo ee markaa tabari uga deyrisana wuxuu jeclaa inuu ninka uga awoodda badan aqoonta badanna uga dambeeyo. Odaygii baa yiri: “Ninka ragga ahi waa nin tolkiisna u nacasa, cadowgiisana u nacaba, gurigiisana u naag ah!”

Waa nin tolkii u nacasoo haddii dhibaabe iyo dhagax tuur iyo dhaawac ka soo gaaro kuma dhuftee waa is dhayaa oo ka dhaqmaa, kama aarsado utun iyo aanana ma waa la arrinsadaa, kama godob qaato ee waa ka galiin sugaa, gar iyo gardarraba. Cadowgiisa waa u nacaboo, haddii guluf dhex maro iyo gaadde waa gobonimo diriraa, goob laysku galayna weligii gadaal ugama laabto, gar dadban iyo guunyo ka maqanna kama gam’o .

Gurigiisana waa naagoo: Haddii Marantidiisa iyo marwadiisa, jirrato, isagaa midig u noqda oo hawshii reerka marada u xirta, haddey maal tahay iyo haddey mood tahay, maalintaanna xooggiisa iyo dadaalkiisa ayuu ku maareeyaa ubadkiisa iyo ooridiisa, isagaa ariga digada ka gura, isagaa aroorsha oo dhaamiya, isagaa ammin kasta dheriga u dhardhaara ilaa ay ka bogsooto.

Waxaan uga socdaa kaalintaa maanta ee murtidaani cuskan tahay waxaa Soomaali u taagan waa Hawiye, hadduu dhegool yahayna intaa ma dhaadeen mana dhugteen, Hawiye isagaa Soomaalinimona u taagan cadowgii dibadda ka yimaadana af iyo addin kula dagaallamaya, maanta Soomaali waxay u qaybsantahay labada dal ee deriska ah (Itoobiya & Keenya), oo cadaawad durugsan naga dhaxayso, reerka aan ka amar qaadan ee aan wax la wadaagin ee aan ku tiirsanayn waa Hawiye, reerka Calankii 1960kii la saarey weli u hamuun qaba ee u heesayaa waa Hawiye, reerka iyadoo la dilay oo laysugu tegay oo Amxaaro loo soo watey weli aan Soomaali ka bixin waa Hawiye, Reerka inta diin loogu soo gabbadey Soomaali weyn oo dhami gaaleysiisay ee ilaa hadda la dilayo ee aan Soomaalinimada ka bixin waa hawiye. Sida qaalibka ah beelaha waxay doonayaan FEDERAL iyo kala tag balse Hawiye wuxuu doonayaa shanta Soomaaliyeed oo mideysan.

Dhegool intaa ma garto, dhoohanena ma dhaado, haddaba anigoon jeclayn inaan ku fogaado faallada iyo ka hadalka beelaha Soomaaliyeed hasse yeeshee waa lama huraan inaan ka warceliyo qormada Ibraahim Cabdiweli ee cinwaankeedu ahaa Hawiye waa dhegoole dhiban.

Jawaabtii Dhegoolaha Dhibban.

Qormadaydu maaha mid qabiillo Soomaaliyeed ku saabsan iyo inaan wax ugu dhimo, ee waa inaan jawaab ka bixiyo laba maqaal oo uu qorey nin magaciisa la yiraa Ibraahin Shiikh Cabdiweli, maqaalkan ayuu laba jeer ku rakaadey Hawiye waa dhegoole dhibban. Ibraahin Soomaalida haddaad kala taqaan, waa laba uun, dhalyo iyo dhiig wadaag, dhaqan iyo dhur wadaag. Waxaa jira haddaad gobol walba oo Soomaali degto ama tagto, dad isku sidkan oo la walaaleeyey, ama inay is gergertaan ama is gaashaanbuureystaan, dadkaasi waa laba siyood, kuwo isku hayb ah oo tiro yaraan awgeed iyo laf laf meel aan isu taagi karin, waxaad ka helaysaa Jabuuti, Waqooyi Galbeed, Waqooyi Bari, Bartamaha, Koonfurta dhaw iyo Koonfurta Fog, Galbeedka Soomaaliya (Soomaali Galbeed) Haddaba haddiiba ay noqotey arrin dhaqan ah labadan arrimood ee aan kor ku xusay, ee wax lagu qaybsado dhib iyo dheef maaha mid cay iyo aflagaaddo noqonaysa oo waa wax Soomaali u xeera.

Waxaad saluugtey arrin aad ku tilmaantey Shiikhaal ma Hawiyaa mise maaha? Haddaad is haysaan Faarax Cabdulqaadir iyo Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe iyo NGO Islax ha noqon nin daraaddood qabiil dhan ula colooba, taasi adigey wax kuu dhimaysaa, waxaan ula jeedaa, nin madaxa oo xun reer looma aaneeyo mid wanaagsanna reer looma aaneeyo ee qofnimadiisaa loola diriraa ama loola dagaalaa.

Shiikhaal waa Hawiye dhalasho iyo dhiigba.

Ibraahinow Shiikhaali waa Hawiye, haddiiba Ilma Fiqi Cumar ay yihiin, wixii aan ilma Fiqi Cumar ahaynna gaar baa loo warsan doonaa meesha ay kasoo jeedaan, ninkase ku abtirsada Fiqi Cumar waa Hawiye dhaqan iyo Gaashaanbuurna maaha ee waa niman dhuuxa iyo dhiigga Hiraab ah. Hadalkaaga haddaan u dhabbo galo, adigaa iska hor yimid, oo waxaad sheegtay in waqtigii dowladdii Kacaanka reero badan abtirsiimo qaldan loo sameeyey, balse, aysan qaadan ee toodii ku hawl galeen waqtigii colaadda sokeeye, horta qormadaadu dhan waa ka wanaagsan tahay, oo waxay Soomaali afka ka dhawreen ayaad sheegtay, 1998dii ayaan tegay Boosaaso, markaasaan arkay Gambeelle (jambeelle) oo aan ku aqaannay Jambeele Hawiye oo ku abtirsata Ajuuraan ah iyagoo Majeerteen ah. Waxaan kaloo Majeerteen kusoo arkay beel la yiraah Cabdi Ciise oo magacyadeedu u badan yihiin Hawiye sida: Afrax, Yeberow, Jimcaale, Geedi iyo kuwo kale. Markaan weydiiyey sababta waxay ii sheegeen inay qarniyo ka hor kasoo guureen Hawiye oo ay ku milmeen Majeerteen balse weli ay wax k dambeeyaan magacyadii asalka ahaa.

Waxaad tiri Isaaq ma jiraan reero dhaqan iyo dhur la wadaaga, waxaa ii caddaatey inaadan aqoon u lahayn, Tusaale haddaan kuugu soo qaato kooban, waxaa jira lafo ka mida Sacad Muuse oo la yiraahdo: Madigaan, Daaljire, Maxbuub iyo kuwo kale oo ku milan Sacad Muuse. Waxaa iyana Jira lafo ku dhex jira Ciise Muusaha, Qoyan, Dhogori iyo Cabaasyo, magacyadani maaha kuwo lafo kale oo Isaaq ahi la baxaan.

Waxaa jira laba Lafood oo ku dhex jira, Habarjeclo waa reer Dood iyo Magaadle iyo Yeesif oo ilaa hadda Sanaag bari iyo deggan Togdheerba.

Waxaa jira reero isku magac ah oo is sheegta qoloba qolo sheegato, Reer Isaaq oo Ogaadeen ah isaaq baa sheegta, Abgaalka Ciise Madoobe waxay sheegtaan Abgaal Cismaan, Warsengeliga Harti Daarood, waxaa sheegta Warsengeliga Harti Abgaal. Gumcadle Murusade waxay sheegtaan Gumcadle Ogaadeen.

Lama hayo wax lagu kala saaro, hubaal hadda in la helayo, oo ah dunida maanta joogta in qolo walba oo muran ka dhex jiro ama is sheegta ama is diidda laysaga qaaddo dhiigga hidde-sidaha (DNA) ka dib aynu samaynno kooxaysi iyo gaashaanbuureysi cusub oo ku salaysan dhalasho iyo dhiig, haddii tani dhacdo kun beelood oo walaalo ah ayaa kala guurayaa kuwa isku cadown ahna waxay noqon doonaan dad wada dhashay.

Isku soo wada duubo Mudane Ibraahin sidii horeba laguugu sheegay haddii colaaddaadu ku jiheysantahay Laba qofood iyo Islax waxaan ku dhihi lahaa Shiikhaal laba nin ka weyne shiikhaal waa dhig, haddii aad wax inaad saxdo doonaysona, qoraalka ballaari, oo waxaad ka soo billowdaa qormadaada iyo qoraalkaaga asalka iyo faraca Soomaaliyeed, ka dib waxaad kala saartaa yaa Soomaali ah yaase la Soomaaliyeey, waxaad kala saartaa beelaha Carabnimada sheegta iyo kuwa Carabta dhabta ah, dhammaan Su’aalahan hoos ku qoran Jawaabtooda ayaan kaa filayaa inaad qormadaada dambe ku soo darto.

Xaggee bay ka timid Soomaalidu asal ahaan?

1. Ma carabaa?
2. Ma Barbaribaa?
3. Ma Hindibaa?
4. Ma Faraaciinbaa?
5. Ma Oromaa?
6. Ma Amxaaraa?
7. Ma dad aan lahayn asal iyo meel loo raacaa?.
8. Waxaad soo qortay abtirsigu inuu ku egyahay sagaal qarni, Soomaalidu inay geeska Afrika ku noolayd lix kun oo sano, bal soo sax taarikhdaas
Su’aalahan ayaa mudan in la helo Jawaabtooda oo aan kaa rabaa Mudane Ibraahin Shiikh Cabdiweli.

Qore: Shaafici Shiikh Khaliif
shaafici811@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online