Maqaalki Hawiye waa dhagoole dhiban oo jawaab laga bixiyey (Hoo Bariiska)

Bismilaahi Rahmani Rahiim. Alle weyne isaga ayaa kumahadsan ee noo dooray Islamnimada iyo Somalinimada iyo udhalashada qabiilka, waxaase marnaba bani aadamka kasuuragaleenin inuu doorto arimaha aan kor kusoo sheegay ee kusaabsan qabiilka aad kadhalatay iyo midabka intaba. Intaa kadib waxaan jeclaystay inaan kajawaab celiyo maqaalkii uu soo qoray ninka isku magacaabay Ibrahim Sh Cabdi weli balse magaciisa saxda uusan aheen. Markaan aqriyay maqaalkii hore ee uu soo qoray Ibrahim Sh Abdi Weli, waxaan goostay inaan bal sugo dad kajawaab celiyo oo aan jaanis siiyo dad udhashay qabiilka Reer Faqi Cumar (shiiqaal) oo iga aqoon badan igana murti badan, balse mar labaad buu maqaal kale soo galiyay baraha Internetka markii uu waayay qof kajawaab celiya balse qabiilka reer Faqi Cumar (shiiqaal)  ay dareensan yihiin aayada Alle SWT( HADII AY KULA DOODAAN KUWA WAX MAGARATADA AH WAXAAD TIRAAHDAA NABDGELYO). Balse aniga maqaalkan waxaa igu dhaliyay inaan kajawaab celiyo qusac balaadka uu ninkan aqrinayo oo uu umada usheegayo in laradiyo dhowr qodob baan is dul istaagayaa hadii alle idmo.

1)   Ibrahim Sh Cabdi Weli waa nin ceenkee ah?. Ibrhim ma’aha magaciisa saxda ah waana nin isaqariyay balse maqaal uu qoray oo magacan kusaxiixan waa markii ugu horeysay ee uu qoray maqaal magacan wato Ibrahim Sh cabdi weli inta aan ka ogahay iyo daliilka Google oo aan magaciisa galiyay marnaba kama helaysid magaca Ibrahim Sh Cabdi weli marka lagareebo maqaalkan ( hawiye waa dhagoole dhiban). Ibrahim waxaa fiicnaan laheed inaad magacaaga saxda ah sheegatid waayo isagaa kugu filan. Arinta kale ee uu Ibrahim u wehliso waa nin xiqdi iyo xasadnimo ay calasha kabuuxsantay waxaase is weydiin mudan Ibrahim Cadaawada uu uqabo ee ay kusameeyay Shiiqaal ma’aha mid yar malaha oohintu Orgiga kaweyn.

2)   Abtirsiinyada Qabaailku Somaliyeed Ma runbaa? Aniga waxay ila tahay markaan aqriyay wax badan qabaailka somaliyeed waxaa ii soobaxday ugu badnaan 18 fac wixii kasareeyo inay ubadan tahay Asaadhiir iyo shiikooyin lasoo waariday oo aan sal iyo raad toona laheen waxaana arkaysaa in qabiil isla dhashay oo kala jufo ah in midna uu katirsado 12 midna 18 sida dhacdo. Waxaa ii waydiisiin ninkan magaciisa Saxda qariyay Adiga iyo qabiilka aad kadhalatay ee dagan gobolada dhexe ee somaliya maxaa daliil ah oo aad u heysaa inay isla dhasheen? Daliilka aad sheegaysid hadii uu yahay waxa awoowgaaga uu kuu sheegay nin waliba wixii loo sheegay daliil ma’aha.waatan aad leedahay maqaalkaaga danbe qabaailo soomaaliyeed islama dhalan waa ood wadaag sida ( Ugaadhyahan, Biciidyahan, Coolyahan iyo kuwo badan oo aad soo sheegtay).

3)   Shiiqaal halkee katimid intay ku abtirsataa ? Shiiqaal waa dad soomaliyeed oo dagan dhulka soomalida ay dagta meel kasto taas macnaheedana ma’aha inaysan isla dhalan oo ay yihiin dad kumidoobay mehrad shiiqnimo sida aad ku andacootay. Loobage Qudub iyo Gendershe  waa ilmo Faqi Cumar maantana waxay dhaafeen qulateen. Arimaha aad soo tabisay waxaa kamid ah wiilka shiiqaal marka uu gaaro 15jir in isaga aabihii kala guurayaan oo uu qaraab doonanayo. Arinkaas haddii ay jirto ma iyadaa wax xun ah waaba arin ubaahan in lagu amaano oo kutusinaysa Ilbaxnimada reerka shiiqaaasha ay kudheer yihiin adiga iyo inta sidaas u fakareeso. Umadi markii mudo lajoogaba way dagaalantaa oo waxaa kadhasha gaashaan buuro cusub iyo isbahaysiyo cusub. Haddaba markii ay dhaceen dagaalada sokeeye waxaa lanoqday laba isbahaysi taas macnaheedana ma’aheen dhalasho ee waxay aheed gaashaan buur siyaasadeed oo ladoonayay in looga gudbo mar xalad markaas taagneed, shiiqaalna dadkaas iyo gaashaan buuradaas bay kudarsantay waana looga soo gudbay. Arinka aad ku heesatid waxay boobeen ama qaateen Shiiqaasha( Sad Ama  Jago Hawiye) oo aad tusaale u soo qaadatay Jeneral Cabdirahman Gulwade oo loo dhiibay jagada taliyaha ciidanka booliska soomaliyeed si loogu qanciyo Hawiye waa been aan sal laheen. Jeneral Cabdirahman Gulwade waxa uu ahaa nin karmeed xamaalanayo oo qabay gabadha uu dhalay Jeneral Maxamed Siyaad Bare side kuleedahay wixii naloo qoondeeyay haddii aan nahay Hawiye bay naga qaateen xerta shiiq loobage. Mida kusaabsan Jenerall Indho qarsho malaha waxaa kaa qaldamay sida wax loo duro marka aad leedahay waligiis xafiis ma soo marin yaa xafiis soo maray oo meesha joogo maanta somaliya.mise waxaad uquuri la’dahay jaga uu hayo waatan aad leedahay walaalkiisa kuma qanacsana Hawiyenimada war ninkan meesha waxaa loo keenay inuu kagadmayo umadda somaliyeed sidaas ula soco hawiyenimana kumuusan helin meesha waa shaqsiyadiisa iyo sharaftiisa iyo dadnimadiisa.

4)   Arinta Xarakada Islaax. Aniga inta aan ka aqriyay maqaalkiisa waxa uu salka kuhayaa Al islaax, sida uu ku andacoonayay waxa uu dhaleecaynayay waxay aheed laba qabiil oo waa weyn sida reer aw qudub iyo reer aw xasan. Waxaa run ah in labadaas qabiil ay ubadan yihiin xarakada islaax , Islaax kaliya ma’aha meelaha u badan yihiin xaraka kasto oo itijaah saxwi ah wadato way ubadan yihiin waxaana yeelayo wax kale ma’aha in lagu geeyay meesha ama xarakada garabeeshan ama nin jacleesi. sababtana wax kale ma’aha marka ay timaado xaga diinta iyo cilmiga diinta masoo galayso nin karmeed xoogsanayo. Waxaa iiga soobaxday in ninkan uu ahaan jiray Al Islaax kadibna uu ugu cararay ma adigoo shiiqaal baa I xukumaya ama kaaga danbeenayaa anigoo qabiilkeyga uu yahay kan ugu qoryaha badan somaliya waa in aan kashaqeeyo sidii aan dhabar jibin ugu sameen lahaa camalkii ama shaqadii socotay una abuuri lahaa qal qalgin kusaabsan meesha hal reer baa iska heesto dacaayad kadibna ay meesha kadhalatay caadifadii qabiilka taas oo keentay inay sameesmaan waxa looyaqaano Damu Jadiid ( dhiiga cusub) . waxay socotoba waxay arin kudhamaatay waxaan kasoo cararay Reer Awqudub oo aan aga imid Al ISlaax haddana ma reer aw xasan miyaan hoos fadhiyaa. Waa hoos fadhin doontaa inta uu rabi kuu qadaray iska dul qaado ama sakiin tobaz liq ama cirka soo dumi meesha aad kagashid baan harsaneenaa.

Gunaand. Maxay tahay colaada uu qabo Ibrahim Sh Cabdi weli?Ibrhaim reerkiisa isaga ayuu ahaa qofkii wax ubartay oo qabiilka iyo cayntiisa meel fiican kagaaray iyo sida loo duro qabaailka soomaliyeed. Ibrahim waxa uu isku dhufsaday xisaab sida 2* 2 = 4 waxaa usoobaxday in reerkiisa mudo 23 sano kadib aysan waxba meesha kuhaynin weesa udhooran aysan jirin xag alle iyo xag umadeed. Marnaba kama gadmi karo umadda somaliyeed waxay soo joogtayba maanta wax ufiyow majiro hadii uu is yiraahdo shaqaale dowladeed qoro wax uu diyaariyay majirto waa mooryaan Garey iyo maliibaaniyaasha lagu liibanay oo taay loo soo galiyay oo aan garaneenin zamanka lajoogo iyo qarniga lajoogo. Umadii way baraarugtay waxayna qaadanaysaa wax layiraahdo ITUSI ITAABSII. Been masoconayso hadii ay is garab istaagaan Ibrahim qabiilkiisa iyo nin Shiiqaal ah oo ah kan ugu aqoon yar waxa uu og yahay Ibrahim in jaanis uusan u oolin. Shiiqaal waxaa deeqda Nabad iyo Caano sidaad ku sheegtay in wiilka 15 jirka uu qaraab doonanayo wiilkooda iyo gabadhoodaba umad ka gadmayaan adigana Iimaanka allah ku galiyo waxaad abuuratay baa goosanaysaa adigoon is murjin oo is xiijin umada kafadhiiso oo afkaaga qabaailka sharafta leh kadeeyso.

W/Q: Ali Ibrahim

Email:  yaanyo114@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online