Anaga & Belgium maxaa noo xeer ah?

Waxaa Hadal Heynta ugu balaaran ee Maalmahan taagan ay tahay Qabashadii Hogaamihii Burcad Badeedka Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) kaasoo lagu qabtey Magaaladda Brussels ee Dalka Belgium waxaana markaad tegtid Goobaha la isugu yimaado aad arkeysaa Dad si weyn ugu doodaya qabashada Afweyne mar aan saakey aniga oo ku sugan mid ka mid ah Baararka waa weyn Magaalada Muqdisho  islamarkaana la fidhiyo dad isugu jira Odyaal iyo Dhalinyaro ayaa waxaa noo yimid nin Odey ah oo aad u Careysan waxaana uu  markiiba nagu yiri “Walee waa kala Cadaan doontaa mar ay ahaataba Dadkii gacan geliyey  Afweyne waana lala Xisbaatami doonaa,waxaana  aan Aaminsanahay in Afweyne lacag lagu kala qaatey Madaxiisa” intaa markuu yiri isagoo taagan ayaa waxaa loo Dalbey Kursi nin kale oo Odey ah ayaa waxaa uu yri “Agteeda soo fariiso waan kula qabaa in Afweyne la Shir Qooley “

Doodii ayaa kululaatey oo waxaa lagu sigtay in Gacanta la isku qaado hase yeeshee nin Odey oo si weyn looga Haybeysto ayaa doodii soo dhex galey oo yiri “Muran iyo Qajajac lama reebee wax Cad maysaan in Afweyne la shir Qooley “inta la is Fiir fiiriyey ayaa nin kaloo meesha ka dhawaa Doodii  ku soo Dhawaadey oo yiri “Anaga iyo Belgium maxaa noo xeer ah “Dadkii Goobta ku sugnaa ayaa mar Qura indhaha wada taagey oo la yaabey waxa ka soo yeerey ninka Odeyga ah  “markasuu daba Dhigey “Maxaa Indhaha la taageysaa waa runtey” Anagga iyo Belgium bay noo taalaa” Waxaan Odeyaasha meesha fadhiya weydiinayaa oo aan ka rabaa “ Anaga iyo Belgium maxaa noo Xeer ah”

Nin kale o Odey ah ayaa yiri “Maxaa ka wadaa “Anaga Belgium maxaa noo Xeer ah “ Odeygii oo ka jawaabaya ayaa waxaa uu soo qaatey Sheeko hore oo yiri  “Hadda ka hor in ka soo jeeda  Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu Ganacsi u Aadey Dalka Talyaaniga ,markii uu ka tagey Dalkaas ayuu waxa uu degey Hotel ku yaala Magaaladda Roma , waxaa Habeenkii u soo dhacay Kooxdii Burcadda ahayd ee Birigaato Rooso,waxaa laga qaatey Boorsadii lacagta uga buuxdey oo uu dooneyey in uu ganacsi ku sameyeeyo, inta uu naxay oo isku wareerey  ayaa waxaa uu soo wacay Nin Nabadoonkiisa ah waxaa u sheegey wixii ku dhacay markaasuu yiri” Nabadoone anaga iyo Birigaato Rooso maxaa noo Xeer ah” Ninkii Nabadoonka ahaa inta yaabey ayuu ku yiri ninkii la dhacayWar waan raadinayaa ee wax yar I sug markiiba Nabadoonkii waxa uu tagey  Safaarada Talyaaniga uu ku lahaa Dalka wuxuuna ku yiri “ Talyaaniyow naga  Gar bax, nin aan Nabadoon u ahay ayaa Burcad kiinaa Dhacday,markiiba Talyaaniga arrrintii waa uu baarey marki uu ogaadey in ninkaas la dhacay ayaa Dib loogu celiyey Xoolihiisii” marka waxaan Sheekadaas ku keeney maanta waxay taagan arrintii Birigaato Rooso oo ah” Aniga iyo Belgium maxaa noo xeer ah “

Markii uu sheekadaas halkaa ka sheegey ayaa nin weliba uu Qosol la dhacay waxaana loo qaybsamey rag taageersan Odeyga iyo kuwa ka soo horjeeda  waxaa arrinta gaartey meel Qaraar waxaana doodii qaatey nin Odey ah oo si weyn ula dhacsanaa Warka Odeyga oo ah “Anagga iyo  Belgium bay noo taalaa, waxaana ka Jawaabaya warka odeyga oo ah  in Xeerka Noo yaala Anaga iyo Belgium ay tahay in aan Is Afduubano””waxaa uu sii raaciyey  “mid baan ku darayaa Runtii Belgium waa naga Gardaran tahay waayo Afweyne mar hore ayaa la Cafiyey oo uu ka Towbad keeney arrimhii Burcad Badeedka marka maanta Gar uma laha in Afweyne uu Belgium iska Xirto,waxaana arrinta aan Masuuliyadeeda Dusha ka saarayaa Dowladda Faderaalka waayo maanta ma la joogo Xiligii ku meel gaar ka ahaa waxaa noo dhisan Dowlada Rasmi  ah ,iyada ayaa laga rabaa in ay arrintaa Dhex gasho oo Tiraahdo ma la joogo Xiligii Dadkeenna la iska qabsan jirey Haddii Maxkamad la saarayo Afweyne anagaa ayaa Saareyna “ markuu uu warkaas ka soo yeerey Dadkii Goobta fadhiyey si weyn ayey Madaxa ugu Ruxeen  waxaana uu sii dabadhigey

“Afweyne Dalal badan buu tagey waxaan Xasuustaa in lagu qabtey Dalka Malaysia markii Muddo la baaray waa la sii daayey,marka in maanta uu Belgium Qabsado waa wax aanan u Dulqaadaneyn waxaana leeyahay Dowladda Belgium Afweyne mar hore ayuu ka Toobad keeney arrimihii Burcad Badeedka,waxaana ku Celinayaa ninkaas ma haysan kartaan  haddii kale waxa aan kala helno ayaan leedihiin, waxaana Ceeba in Nin Martiqaad loo sameeyey in lagu Xadgudb waa arrin kale oo meesha taal, waxaa ka yaab badan in Belgium ay Xarig kula Dhaqaaqdo Madaxweynihii hore ee Ximan iyo Xeeb Mudane Maxamed Cabdulaahi Aadan Tiicay waana Xadgudub aan Geed loogu soo gaban waxaana u soo jeedinayaa Dowladda Belgium inta ay arrintu meel Xun gaarin iska sii daaya Labadaas Odey welibana Tiicey kuma sii jiro waxaa uu ahaa ninkii lahaa Fikradda in Afweyne iyo Dhalinyaro badan oo Burcad Badeed ah ay ka Tanaasulaan Falkaas Guracan ,Haysigoodana waxaan u arkaa in reer Yurub ay Doonayaan in mar kale  Dib u soo nooleyaan Howlihii  Burcad Badeedka oo Dhalinyaradii ka soo baxdey Burcad Badeedka oo uu Hormuudka u  ahaa Afweyne in hadana Dib u qaataan Qoryahoodii iyo Doomankoodi,waxaana Dhab ah in Belgium uu yahay  Dalka ugu Burcad Badeednimada Badan marka la fiiriyo Badeenna ”

Nin kale oo meesha ku sugnaa oo Dhageysanyey waxa meesha ka socda ayaa isna soo dhexgaley  oo arrintii sii Kululeeyey ka dib markii uu si Cad u yiri “Belgium nagama Xoog badna waxaana soo jeedinayaa waa haddi aad meel ku Ogtihiin Ruux Belgium oo Dalka jooga waa in aad u Howlgashaan sidii aad ku soo qaban lahaydeen waayo waxaa CadBelgium in Afweyne ay Afduubteen marka maxaa noo Diidaya in aan Anagana aan Afduubano Ma Waadiniintooda Soomaalidu waxay Tiraaadaa “ Qaniinyaa Qaninyo kaa Fujisa” marka Belgium Xadgudub  bay geysteen marka waa inoo  Il iyo Aragti” waxaana noo Balan ah Belgium Badda” Markii ay Sheekadu halkaa ku Biya Shubatey oo la isku raacay in Belgium la iska Dhiciyo, waxaa soo boodey nin meel sidaa aan uga fogeyn Goobta oo Dhageysanayey waxa meesha ka socda  waxaana  uu yri

“Waryaada ma Sheekadii Xamar taaley baad Dooneysaan in aad Aduunka ku Deydaan war Ninkaas Waa Dambiile  Ummaddaan iyo Adduunkaba  Dhib badan u geystey ma waxaa Dooneysaa in Ninkii Abuurey Burcad Badeedka aad Qabiil ku Difaacdaan Walee taasi waa Dhamaatey,waxaan Idiin soo jeedinayaa ka war suga waxa uu ka helo Maxkamadda Aduunka Hadii kale Sheeko aan soconey Nafsadiina ha u sheegina, markii uu Hadalkaas uu Afkiisa ka soo baxdey  ayaa waxaa halkaas ka Dhacdey in Gacanta la iskula Tago oo meeshii lagu kala tago iyadoo mid waliba uu isla Quman yahay,halkii uu ka Dhaqaaqo waxaa uu sii raaciyey “waxaan soo Xasuustey  mar aan ka qayb galey Beel Kulan isugu timid Xiliyadii Qabqablayaasha Dagaalka  waxaan Kulankoodii uu ku soo Gabagaboobey oo Beeshu isku Raacdey in ay Kalsoonidii lagala laabto  Qaramada Midoobey marka Sheekadaan ah Aniga iyo Belgium Maxaa noo Xeer waxay ay la mid tahay Beeshaas Kulantey ee tiri  “waxaan Kalsoondii kala laabaney Qaramada Midoobey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk   

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online