Faallo: Talo xumada Raaskanboni waa tiiraanyada Jubba (Fashil soo socda)

Waqtiyo Qaraar , Waayo Colaadeed , & Marxalado Kala duwan oo uu dalku Soo maray Waxaa Haatan Laguda Galay Waqti Shacabka Soomaaliyeed ay Gaareen Bisayl Wadaniyadeed & Waayo aragnimo Ku Filan Waxayna Haystaan Tusaalo Wanaagsan oo ay ka dhexleen Waayihii Cakirnaa & Marxaladihii Qalafsanaa ee ay Maganta u ahaayeen 22 Sano ee Tagtay , Waxaadse Moodaa inay Jiraan wali dad aan Ka Tanaasulin Fikirkii Lagu Halaagsamay ee Qabyaalada & Qooraansiga Foosha xun ee Qabiilka doonaayana Soo noolaynta Colaado Hor leh & in dib loogu Noqdo Wax laga Soo gudbay & dhiig Soomaaliyeed oo Markale daato , Waxaanse Jeclahay inaan Qoraalkaygaan Ku Qaadaa dhigo Fikirkayga ku aadan Xaaladaha adaga & waaqiciga Qariban ee Ka Taagan Gobolada Jubboyinka , Fashilkii Kuyimid heshiiskii Addis Ababa , Kala Qaybsanaanta Ragii dhistay Maamulka Axmed Madoobe , & Siyaasada Mugdiga Sii galayso ee Gobolada Jubooyinka , Tacadiyada Taagan Maalin Walbo , & Xadgudubyada ay gaysanayaa Xarakada Raaskanbooni oo isku halaynta ugu Weyn & Xaniinyaha ay Ku Faanaayaan uu Yahay Ciidamada Kenya ee Wato Magaca AMISOM laakiin aad Moodo Dano Ka baxsan Waajibadkii Loo idmaday inay Fushanayaan.

Sida aan La Socono 28 Aug. ee Sanadkaan Waxaa Magaalada Addis Abba ee Dalka Itoobiyo Heshiis Muran & Buuq Badan dhaliyay Ku Saxiixday Dowlada Soomaaliya & Maamulka uu Axmed Madoobe Hogaamiyo inkastoo Heshiiskaas inta Badan Bulshada Soomaaliyeed ayna Soo dhaweyn Xasarad & Xasaasiyad Xoogana uu ku Beeray guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaana inta u Nasab sheegato Gobolada Jubooyinka hadana Waxaad Moodaa in Dowlada Soomaaliya Ku Guulaysatay inay Bulshada Jubbaland ay ku Qanciso Aqbalaada Heshiiskii Addis Ababa taa badalkeedina Dowlada Soomaaliya waxay Balanqaaday in Magaalada Muqdisho lagu Qabto Shir dib u Heshiisiin oo ay Ka Soo qayb galaan dhamaan Kooxaha isku Hayo iskuna Diidan Hogaanka & Maamulka Jubbooyinka & Sidoo Kale in Miiska Wada Xaajoodka La isugu Yimaado Si Loo soo Afjaro Colaada ka Aloosan Gobolada jubooyinka.

Waxaase Arintaas Gaashaanka u duruuray Kooxda Raaskanbooni oo Si Cad u diiday inay Tagaan Xamar Koleey Sababta ay u diidayaan waa arin aan la garan laakiin Markaad Miisaanka Saarto waxaa Kuu Soo Baxaayo in Maamulka Axmed Madoobe aysan doonayn Xal waaro & Xasilooni ka dhalato deegaanda Jubooyinka Taasna Waxaa daliil & Cadayn u ah diidmada ay Ka Muujiyeen Shirka Dib u Heshiisiinta ee Magaalda Muqdisho Kaas oo Horay Oga Mid ahaa Qodobadii Magaalada Addis Ababa Loogu Soo saxiixday Dowlada Soomaaliyana ay Ku qancisay Beelaha Soomaaliyeed ee Dago Jubbaland oo Tabasho & Tirsi Xoogan Ka Muujiyay Heshiiskii Addis Abababa , Haatana Dowlada Soomaaliya ayaa Laga doonayaa in Shirkii ay Madashiisa Qabatay Gogoshiisna ay Fidisay inay Hirgaliso Kooxdii ay u Saxiixday inay Maamulka Jubba Hogaamiyaana ay keento Madasha ileen Jini Ninkii Keeno ayaa Bixiyo , Beelaha Jubbaland ee Shirka Muqdisho Ka dhursugaayana waxaa La gudboon inay Kawar dhowraan Waxa Ka Suuragalo Shirkii la iclaamiyay & gogoshii la fidiyay ileen Cimri Tagay Ceeb laguma Sogoontiyee.

Sida Runta ah in Xal Lagaaro oo La isa soo hor fariisto wax ay ku dhaanto Malahan Soomaalina Mudo kabadan 20 Sano ayay isdilaysay oo ay Cadow isku adeegsanaysay dhib & Qasaaro Waxaan ahayna Lagama dhaxlin inaan Lakala Adkayn waa ay Cadaatay Danta dalka & dadkana Maanta waxay Ku jirtaa in ismaadhaaf walbo oo Jiro Miiska wada hadalka lagu dhameeyo laakiin Saansaanteedi Ma Muuqato oo Jabhada Raaskanbooni oo Quwad Shisheeyo ku gabanayso ayaa diidmo Qayaxan Saartay inay Ka Soo qayb galaan Shirkii la isugu Soo dhawaan lahaa Nabadana Lagu dhex dhigi lahaa intii is dishay & intii isdirirtay intaba Waxaysase Meesha Ka Saareen in ay Ayaga Dan ugu Jirto inay Qaataan Nabada & Wada Xaajoodka Maadaama Axmed Madoobe Loo Ogolaaday inuu Sii Hogaamiyo Gobolada Jubbooyinka Taas oo u Muuqato inay tahay Tuko Nasiib uu Caano ku Helo Wuu leeyahaye ee Nasiib Lagu Cabo Malahan waayo Ayadoo lagu Kala Bixin Doorasho Xalaal ah & Rabitaanka Bulshada Deegaanka ayaa Xal loo arkay inuu Axmed Madoobe Hogaamiyo Goboladaas oo Dowladii Soomaaliya ee cadaalada Laga Sugaayay ayaa sidaas Garatay Bulshada Reer Jubbalandna Waxay Dagaal & Qas danbe ka doorteen Wadiiqo Nabad ah & wada Xaajood in lagu dhameeyo Wixii Jiro oo Mugdi ah.

Taariikhda Jubooyinka Marka dib loo Milicsado Xusuustana dib loo Celiyo wa Gobolada ugu Qanisan dalka Soomaaliya waaa Kuwa ugu Nasiibka daran dadkoodana ay Macluul & Gaajo la dhamaanayaan waxa Sababta u ahna waa Dagaalka & Colaadaha aan dhamaadka Lahayn ee Ka jiro Goboladaas Waxaase Maanta Nasiib Daro ah in Maanta dad Sheeganaayo inay Yihiin Soomaali ay Gurbaanka u Tumaan Qalalaasaha Jubooyinka Ka jiro Waxaase Ka Sii daran in Ashqaas Gashay Qiyaano qaran ay ku lug leeyihiin Mushkilada Ka aloosan Jubooyinka Waxaana Jiro Fikrado isdiidan & aragtiyo aan isqaadan Karin oo isa soo taraayo Kuwaas oo u Muuqdo inay Horseedi Karaan Colaado Sii Socdo & Dagaalo lagu hoobto Waxaana Jeclahay inaan Xuso Fikradahaas & dadka Qaska Kawado Jubbaland waa ay dhici kartaa in Qaar badan oo Ka Tirsan Bulshada ii arkaan nin Diidan Axmed Madoobe & XUlufada La Socoto amaba nin jeclaysi & Fikir gaar ah taageeraayo Waxaanse leeyahay Xaqa in La Sheego Waa Waajib hadalna Run Kama Raysto aragtida aadanahana Ma Sino oo horaa looyiri Wixii nin la Toosan Nin Ayay La Tuurleeyihiin , Waxaanse leeyahay aragtidayda gaarka taas oo aan Ku Muujinaaypo Fikirkayga Ku aadan Fashilka Maamulka Axmed Madoobo , Mustaqbalka Jubooyinka Dadka Hurinaayo Colaad Jubooyinka.

Soomaalida waxay Ku Maahmaahdaa Hal Booli ah nirig Xalaal ah Ma dhasho Maamulkii Axmed Madoobe ee Sida Xooga ah Lagu dhisay ayadoo Lagu Faanaayo Taangiga & Taageerada Dowlada Kenya Wuxuu u Muuqdaa Mid Guuldaraystay Fashil lixaad leh & Ceebna Lagalay Lugalay Waxaana Jiritaanka Maamulka Axmed Madoobe Soo Afjaray Khilaafka ba’an & Kala Duwanaashiyaha Ka Muuqato Xubnihii Salka u Tagaay isla Markaana Waqtiga badan Galiyay unkida & dhismaha Maamulka jubbaland Waxaana iska cad in Madasha Kismaayo ay Ku hareen Raaskanbooni oo ah Qoys & Qabiil gaar ah oo u Muuqdo inay halkaas ku Joogaan Damaanad & ilaalada Ciidamada Kenya , Waxaana dhabarka Xijiyay Mas’uuliyiin badan oo Bulshada soomaliyeed u arkayeen inay Muhiim & Halbowle u Yihiin Maamulka Axmed Madoobe Kuwaas oo ay Kamid Yihiin Sheekh Maxamed Yuusuf Aw-libaax & Yaasiin Raadeer oo Labaduba aad ugu dhawaa Siyaasada Hada Fashilantay ee Kismaayo Ka Jirto.

Sheekh Aw-libaax oo ahaa Gudoomiyaha Gudiga Aasaasayaasha Jubbaland aya Si Cad u Qeexay in Magaalada Kismaayo uusan Ka Jirin Amni Buuxo oo La isku Halayn Karo Suurtagalna ka dhigaayo in Shir Weyne uu Ka dhaco & in Aayaha Jubbaland an lagu Xiri Karin dad Qaas ah & Qolo gooni ah Shirka Dib u Heshiisiinta ee Muqdisho Ka dhacaayana ay Ka Qayb galayaan Axmed Madoobana uu Yahay Shaqsi Kamid ah Maamulka Jubbaland oo uusan Afduuban Karin Aayaha & Masiirka Reer Jubbaland.

Waxaa Asaguna Kismaayo Ku Sugano o aan La dhacsanayn arimaha Raaskanbooni ay Wado Col Yaasiin Raadeer oo Kamid ahaa Ragii u Soo dhabar adaygay Maamulka Axmed Madoobe Markaad isku Soo uruuriso Raaskanbooni Ma ahane inta Kale Tixgalin Malahan inta Taangiga Kenya uu Joogo Kismaayana Raaskanbooni ayaa Madax ah hasa ahaatee Away dadkii u dhashay 3 Gobol ? Away Dowladii Soomaaliya ee sharciga Lagu Soo doortay Mas’uuliyadana ay Ka Saarnayd ilaalada dalka , dadka & diinta Walibana u dhaartay Waxay qabtaan Daaye Xitaa Ma Maqal Mas’uul Ka hadlaayo Tacadiyada & Xasuuq isdaba yaal ee Ka Socdo Kismaanyo Xaalkuna Wuxuu u Muuqdaa Gumaadka Kenya Taangigeeda Lagu gaysanaayo & Gabood Falada Soomaalinimada Ka Baxsan ee ay Raaskanbooni gaysanayso waxaa Ka daran Aamusnaanta Dowlada.

Maxaa Keenay Fashilka Axmed Madoobe

Ninkii Soo joogay Waayaha Qariban ee Soomaaliya wuu Fahmi Karaa Wadiiqada Fashilka ah ee u ku Soo Afjarmay Maamulkii Axmed adobe & Hankii Raaskanbooni ee Ahaa inay Taliyaan ayagoo Saaran Taangiga Itoobiya Waxaanse Xusayaa dhowr Qodob oo aan is iri Xusid & Sheegid ayay Mudanyihiin:-

1. Axmed Madoobo & Xarakadiisa waxay Ku Fashilmeen inay Kasbadaan Bulshada Deegaanka taa badalkeedina waxay gaysteen Gabood Falyo & Xasuuq Lagu Bartilmaamaysanaayay dad Birmagaydo ah taas oo u Sii Abuurtay Cadaawad .

2. Waxay Fahmi Waayeen Ahmiyada ay leedahay Nabada & Wada Noolaanshiyaha

3. Waxay u dhurteen Qabiil & Ku dhaqanka Qabyaalada Taas oo Ka horkeentay Ragii ay isku aragtida ahaayeen .

4. Waxay waxyeelo & dhibaato Joogta ah Ku hayaan Ragii Taabacsanaa ayagoo dharaar Cad dilay Qaar Katirsan ilaalada Gen. Fartaag oo dadkiisi Oga Go’ay Qaadashada Aragtida Raaskanbooni .

5. Waxay Jabiyeen Heshiiskii Muranka badan dhaliyay ee Addis Ababa ayagoo si Cad u sheegay inaysan Tagayna Muqdisho dadka Ka Soo horjeedana aysan imaan Karin Kismaayo .

6. Waxay agabka Warbaahinta Marinayaa Dacaayada & Barobagaando ka dhan ah Dowlada Soomaaliya taas oo Calool Jileec & Taageero looga raadsanaayo Dowlada Kenya.

Qodobadaas & Kuwa Kalo oo badan ayaa Sababay Guuldarada Axmed Madoobo & Saansaanta Colaadeed ee ay Rimantahay Magaalada Kismaanyo taas oo hadii aan Xal loo Helin Ka dhigan Dagaal dhiig ku daato & geeri hor leh oo dhalato Qodobka Xasaasiyada Keenay ayaa Axmed Madoobe Diid Xamar Ragii Kalana diido Kismaanyo oo kuwii asaga La Socday ayaaba Qeexay Waxa Ka jiro Kismaayo Sidoo Kalana waa cadahay inuusan Axmed Madoobe Tagayn Gedo Xaalkuna wuxuu u Muuqanayaa Jug-Jug Meeshaadi Joog .

Yaa Mas’uul Ka ah Dhibaatada Jubooyinka ?

Dhibaatooyinkii badnaa & Marxaladihii adkee ee la Soomaray waxaa gaysanaayay oo Mas’uul ka aha ashqaas Danaystayaal ah doonaayana Muuqsho Siyaasadeed & Mansab Aragtida ay adegsanaayaana ay ahayd Qabyaalada & Qarleexiska Qabiilka Waxa Ka taagan Gobolada Jubooyinkana Ma ahan Wax Ka badalan dibin daabyadii Soomaaliya Loogaysan jiray Waxaysa dheertahay Xusuus Xanbaarsan Taariikh Mugdi ah hadaanse Carabaabo Raga Horboodaayo Hogaankana u hayo dhibkaas waxaan Ka Xusi Karaa :-

1. Madaxweynah Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo Xasaasiyad & Xiqdi Ka Qaaday Magacaabistii R/Wasaare Saacid Wadana Caga Juglayn & Cabsiin Socon Weyday Wuxuuna Ka Shaqaynayaa oo uu Geed dheer & Mid gaabanbo u Fuulay inuu Sii Kala Fogaynta Maamulka Axmed Madoobe & Dowlada Soomaaliya Mana ahan Jeceyl uu u Qabo dadka Reer Jubbaland wuxuu doonayaa inuu Helo Xulufo & Garab uu gurmad ka helo si Dowlada Soomaaliya loo Minjo Xaabiyo .

2. Cumar Cabdirashiid oo ahaa Ninkii Saxiixay Bada Soomaaliya danta uu leeyahayna ay tahay inuu Fuliyo Qorshii Qabyada u ahaa & Qiyaanooyinkii u Qarsoonaa Meesha kaliya uu Ka Fulin Karana u arkay Kismaayo .

3. Maxamed Cabdi Gaandi oo saaxiib dhow La ah Cumar Cabdirashiid Laguna Xanto inuu Wax ka Ogaa Qorshihii Bada Soomaaliya Lagu Gatay Olale xoogana ugu Jiro inuu Saldhig Siiyo Shirkado Shidaal oo Caalami ah doonaayana gurashada Kheyraadka Jubooyinka Horayna isugu dayay inuu Xoog isku Magacaabo Sida Axmed Madoobe oo Kale .

4. Gen. Darwiish oo ahaa Taliyihii Nabad Sugida Soomaaliya ee Dowladii C/laahi Yuusuf Waxaa Lagu eedeeyaa in uu Xasuuq Xamar ka gaystay Xiligiii Dowladii C/laahi Yuusuf Xarigii & Tacadiyo Joogta ahna uu u gaysan Jiray Shacabka Muqdisho , Haatan Wuxuu Gaada kacayaar ugu jiraa inuu Xil Ka Helo Maamulka la Damacsanyahay in Laga Hirgaliyo Jubbaland waxaana La Rumaysanayahay inuu Yahay wakiilka C/Raxmaan Faroole Jubbaland .

Markaad eegtid Si Qoto dheer oo Cilmiyaysana aad u Fiirisid Marxalada Qasan & Qalalaasaha Ka taagan Gobolada Jubooyinka waxaa Kuu Muuqanaayo in uusan Jirin Xal waaro & Xasilooni Ka Hanaqaado Gobolada Jubbooyinka Sababtoo ah Habdhaqanka Qaswadayaasha aan ku Soo Xusay & dhoohnaanta Raaskanbooni oo Jaraajarada Lagu gumaadaayo Shacabka Jubooyin &Waliba Faragalinta Dowlada Kenya oo Leh Dano u gaar ah & Xaajo u gooni.

Gabagabadii Waxaan Xalka Jubbalan wuxuu Ku jiraa ayadoo Talada Loo Madax baneeyo Bulshada deegaanka la isa soo Horfariisto wada Xaajoodna Waana Xalka Kaliya ee haatan Lagu Soo Afmeeri Karo Howsha Jirto , Dowada Soomaaliyana waxaa La gudbooni Hirgalinta Heshiiskii Addis Ababa Hadii Kalana ay Cadayso Mowqifkeeda Ku aadan Axmed Madoobe & Kooxdiisa ama ay Qirato in aysan Jubbaland Kamid ahayn dhulka Soomaaliya Waana doorimadka Kaliya ee u Furan Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh.

W/Q Maxamed Xasan Haliil 

E-Mail haliil.som@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online