Baarlamanka oo kursi gaaban ugu fadhiya xukuumada Shirdoon!

Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa mudo waxa uu la’aamusnaa inuu soo magacaabo RW, kadib maalmo aad ufarabadan oo ay shacabka iyo Baarlamankaba kawar sugayeen ayaa ugu danbeyntii waqtiga kama danbeysta maalin kahor waxa uu madaxweynaha soo magacaabay RW ku cusub siyaasada Soomaaliya(Cabdi Faarax Shirdoon Saacid).

Sida uu qorayo dastuurka qabyo qoraalka Soomaaliya RW waa inuu xukuumadiisa kusoo dhisaa mudo bil ah, waana xukuumadii ugu horeesay oo dastuuri ah kadib bur burkii doowladii Milatariga, qaabkii uu madaxweynaha ula soo daahay magacaabista RW ayaa RW Saacid isna ula soo daahay xukuumadiisa Cusub kahor hal maalin waqtigii logu talo galay inuu soo dhiso.

RW Saacid ayaa kadib is qabqabsi iyo dood dheer waxa uu soo magacaabay wasiiro kakooban 10 wasiir, waana xukuumadii ugu horeesay oo nuucaan oo kale ah kadib doowladihii KMG ahaa ee wadanka Soomaray marka loo fiiriyo xagga tirade, Nuuca iyo tayadaba.

RW Saacid ayaa kahor intuusan agacaabin Xukuumadiisa waxa uu kusoo xushay dhowr arimood, waxaana ugu horeeya xaga tayada, tirade wasaaradaha, saamiga qabaliga{4.5}.

1-Xagga Tayada:

Wasiirada 10-ka ah ee ay ka koobantahay xukuumadan Cusub, ayaa waxay yihiin kuwo leh aqoon durugsan iyo Khibrad shaqo, tusaale ahaan waxaa ku jira xubno horay wasiiro uga soo noqday xukuumadii Maxamed C/laahi Farmaajo oo ay wada xasuustaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay qabatay xukuumadaas mudadii lixda bilod ahaa ee ay jirtay, sidoo kale xukuumadaan waxaa kujira wasiiro ku dhow dhow doowladaha Yurub iyo Mareeykanka watana shahaadooyin sar sare lehna Khibrado shaqo islamarkaasna ay kasoo shaqeeyeen wadamadaas, sidoo kale waxaa kujira wasiiradaan rag horay ula soo shaqeeyay hay’adaha gargaarka ee hoostaga QM.

 2-Tirada wasiirada:

Yareynta wasaaradaha waxaa jira dad soo dhaweeyay iyo kuwo aad udhaliilay, hadaan ku hormarno dadka ayidsan yareynta wasaradaha waxay ku doodayaan ineey lagama maarmaan tahay in layareeyo si ay isula jaan qaadaan si fudud islamarkaasna uu aad uyaraado qarashkaku baxa.

Dhanka kale waxaa jira siyaasiyiin iyo dad aad udhaliilay yareynta wasaaradaha, kuwaasoo iyagana ku doodaya ineeysan maslaxad ugu jirin ummada Soomaaliyeed yareynta wasiirada, waxay qabaan in Soomaalida aysan hada ubisleen siyaasada ku dhisan yareytnta maadama awooda lagu qaybsado hab qabiileed oo ah 4.5.

3-Qaanuunka qabaliga{4.5}.

Sidaan hiray usoo xusnay umada Soomaaliyeed in muda ahba waxay wax ku qaybsan jireen hab qabiil, waxayna Soomaalida uqaybsantaa 5 qaybood oo waaween, 4 kamid ahna waxaa lagu magacaabaa qabaa’ilka waaween xoogana leh, iyo qaybta 5-aad oo iyagana lagu magacaabay beesha 5-aad, waana dulmi ay kuheshiiyeen beelaha kale ee isku tilmaamay beelaha waaween, laakin waxaa xusid mudan in madaxda cusub ee hada wadanka Hogaamisa ay jabiyeen qaanuunkaas qabaliga ah mudana soo jiray.

RW Saacid ayaa 10 wasiir ee uu soo magacaabay kasoo xulay dhamaan beelaha Soomaaliyeed si siman iyo inuu kasoo xushay dadka aqoonta iyo khibrada uleh wasaaradaha dhamaan.

4-Nuuca Xukuumada: 

Xukuumadan cusub ayaa kaduwan xukuumadihii soo maray wadanka Soomaaliya, waana xukuumad aad ukooban talo leh ayna kadhex muuqdaan dhamaan beelaha Soomaaliyeed si siman, marka loo fiiriyo madaxda cusubna waxay fursad usiin doontaa ineey si aad ah isula jaanqaadaan maadaama ay tahay mid kooban ayna ku jiraan dad leh aqoon cilmiyeed iyo mid khibradba.

5-Kaalinta dumarka:

Xukuumadan ka kooban 10-ka wasiir ayaa waxaa jirta in haweenka Soomaaliyeed ay kuleeyihii labo kursi oo muhiim ah, amaba waxaa ladhihi karaa waxay kaheleen 20%, waxana markii ugu horeesay taariikhda Soomaaliya Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna wasiirka arimaha dibadda loo magacaabay haweeneey, waana marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, sidoo kale Drs Maryam Qaasim ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka arimaha Bulshada, waxaana waradeeda hoos imaan doona dhowr wasaaradood sida, wasaarada Tarbiyada, waxbarashada, Caafimaadka, shaqada iyo Isboortiga, taasna waxay kadhigantahay in haweenka Soomaaliyeed ay door weyn ku leeyihiin Xukuumadan cusub.

Aragtida shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka:

Sidaan horayba usoo sheegnay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku kala qaybsamay sida loo soo xulay xukuumadan Cusub ee uu RW Saacid soo magacaabay, waxaa kaloo jiray qayb sadexaad oo katirsan bulshada Soomaaliyeed oo iyaga aanba wax muhiimad ah siinin magacaabista xukuumada cusub, kaliya dadkaan waa kuwo la dirira nolol maalmeedkooda.

Beesha caalamka ayaa durbadiiba soo dhoweeyay magacaabista xukuumada cusub, dowlada Ingiriiska ayaana ugu horeesay oo iyada si diiran usoo dhoweeyay sidokale Mareeykanka ayaa soo dhoweeyay iyo Faransiiskaba, laakin ilaa iyo hada waxaan soo dhoweyn laga haynin doowladaha jaarka nala ah sida Itobiya iyo Kenya waxaana taas ay siyaasiyiinta wax taxliiliya ku magacaabeen faragalinta ay ku hayaan gudaha Soomaaliya iyo ineey xukuumadan kadhax waayeen rag iyaga xulufo la ahaa oo ay quud dareeynayeen in lagu soo daro.

Baarlamanka Soomaaliya Malaga yaabaa ineey codka kalsoonida siiyaan xukuumadan?

Waxaa jirta maah-maah Soomaaliyeed oo leh{luuq-luuq maroow laasim wadaduu imaanaa} taas micnaheeda waxaan ula jeedaa RW Saacid iyo madaxweyne Xasan Shiikh hadeey soo magacaabeen xukuumad kooban oo tayo leh iyo hadii kaleba waxaa meel ufadhiya oo sugaya Baarlamanka islamarkaasna laga rabo ineey ansixiyaan wasiirada cusub, iyadoo xiriirka udhaxeeya golaha fulinta iyo sharci dajinta uu sanadihii ugu danbeeyay ahaa mid aad uxun, waxaana taas usabab ah in dhan walbo uu soo faragashto howsha dhanka kale.

Kadib ku dhawaaqista golaha wasiirada waxaa jiray hadalo iyo guux hoose oo kasoo yeeray qaar kamid ah baarlamanka Soomaaliya, kuwaasoo ku goodinayay ineeysan codka kalsoonida siin doonin xukuumada, waxaana taas loo sababeeynayaa in qaar kamid ah xubnahaas ay iska waayeen xukuumada cusub si shaqsi ahaan iyo si qabiilba, sidaa darted waxaa jira shaki weyn oo laga qabo baarlamanka ineey lugta saaraan xukumadan oo ay codka udiidaan taasoo dhabar jab ku noqon doonta RW Saacid.