Lionel Messi: Kubada ayaa shabaqa geli weysay kulankii aan la ciyaarnay Celtic.

Lionel Messi ayaa sheegay in bandhigii Barcelona xalay guul daradu kaga soo gaartay Celtic uusan aheyn mid qalad ku dhacay, Catalans ayaana guul darro kasoo gaartay wareega Group-yada Champions League ka dib sedax sanadood.

Goolal ka kala yimid Victor Wanyama iyo Tony Watt ayaa shaki geliyey hugaanka Blaugrana ee Group G waxayna hada hugaanka ku heysa laba dhibcood taasoo cadaadiska kusii kordhneysa kooxda Tito Vilanova.

Ciyaarta ka dib, weeraryahanka reer Argentina ayaa sheegay inuusan xumeyn bandhigii kooxdiisu ayna abuureen Fursado badan balse wuxuu sheegay in goolhaye Fraser Forster uu ahaa midka guusha u horseeday kooxda ka dhisan gegeda Celtic Park — ee magaalada Glasgow.

“Waan sameynay wax walba oo haboonaa, waxaan u ciyaarnay si ka wanaagsan kulankii aan la ciyaarnay laba isbuuc ka hor, laakiin kubada ayaa shabaqa geli weysay,” ayuu Messi u sheegay saxaafada.

“Wax la mid ah ayaa ka dhacay Comp Nou. Waxay u ciyaarayeen qaab difaaceed waxayna sugayeen inay qaadaan Kootara Ataak. Aad ayey ugu raaxeysanayeen Koonooyinka iyo kubadaha dhaadheer, taasina waa sababta keentay inay dhaliyaan labadooda gool.”

Messi ayaa dhanka kale ka hadlay sida ay ciyaartaani qiimo ugu laheyd Barcelona inkatoo ay qasaariyeen.

“Kulanka aad ayaan u daneyneynay, waxaad ka ogaaneysaa wixii aan dooneynay inaan sameyno, waxaan abuurnay fursado badan, laakiin ma aanan u dhameytirin sidii la rabay goolhayahooduna wuu wanaagsanaa,” ayuu ku daray.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Somalia.