“Baarleex cashirki uu madaxweyne Xasan Shiikh usoo dhigay ayuu isna CADAADO ka dhigayaa”..

Muqdisho (Caasimada Online) – C/llahi Suuley oo kamid ah Ergooyinka ka qeybqaadaneysa shirka ka socda Magaalada Cadaado, ayaa sheegay in rabitaanka Madaxweyne Xassan Sheekh uu ka hirgalaayo Cadaado.

Waxa uu sheegay in fakirka Xassan uu Cadaado ka faafinaayo Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Baarleex, taasi oo uu ku sheegay mid aan dhiiragalin doonin Odayaasha uu shirka u socdo.

Baarleex ayuu ku dhaliilay inuu u go’ay dhanka Madaxweyne Xassan islamarkaana uu xili waliba Cadaado ku tashkiiliyo in loo hogaansamo amarada Madaxweynaha, wuxuuna xusay inuu si cad u taagersan yahay Musharaxa C/kariin Gulleed.

”Adeerow anaga Cadaado uma aan imaan inaan doorano cid waliba waxaan Xasan Sheekh iyo Baarleex ka codsaneynaa inay naga dhaafan dibinta ay la eeganayaan Ergooyinka”

”Baarleex mahan inuu Cadaado ku faafiyo rabitaanka Xassan Sheekh. waan ka xisoonay hanaga xishoodan”
Geesta kale waxa uu ka digay in Baarleex uu kala sooco Ergooyinka, isagoo dhaqan galinaayo go’aanada Madaxweyne Xassan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com