XOG: Sargaal fashiliyay NIDAAM cusub oo uu ku shaqeeyo wasiirka arrimaha dibedda DF Hadliye

Muqdisho (Caasimada Online) – Sargaal ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibadda DF Somalia, ayaa dhaliil u jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Hadliye Cumar.

Sargaalkaasi oo ka hadlaayay hanaanka uu wasiirka u shaqeynaayo ayaa sheegay inuu yahay mid aan horay looga shaqeyn dalka Somalia iyo Caalamka intiisa kale.

Wuxuu tilmaamay in Wasaaradaasi shaqsi ahaantiisa uu ku biiray sanadii 2008 ilaa iyo iminkana uu yahay mid ka shaqeeyo, balse shaqadiisu ay tahay mid aan laga sheekeyn karin sida uu hadalka u dhigay.

Hadliye ayuu sheegay in mudada kooban ee uu hayo wasaarada uu ka howlgaliyay inkabadan 30 dhalinyaro oo laga wada keenay Gobolada dalka iyo wadamada dariska la aha Somalia.

Dhalinyaradaasi ayuu sheegay in isla bishii koowaadba ay qaaten Mushaarka, halka dhalinyaro wasaarada ka howlgaleysay muddo Laba ilaa Seddex sano aysan weli qaadan wax mushaar ah.

Waxa uu intaa hadalkiisa ku daray in dhalinyaradaasi wasaarada lagu soo biiriyay aysan soo shaqo tagin, balse kaliya ay soo doontaan Mushaarka.

Wasiir Hadliye ayuu ku tilmaamay inuu yahay Mas’uul aan haba yaraate Taariikh wanaagsan uga tagi doonin wasaarada, wuxuuna xusay in weli uu ku howlan yahay sii kordhinta shaqaalahaasi gaarka u ah.

Geesta kale, waxa uu cadeeyay in Hadliye uu hakiyay safaradii loo diri jiray dhalinyarada ka tirsan wasaarada, waxa uuna carabka ku dhuftay in howshaasi ay tahay mid wax ka badelkeeda uu u yaalo Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com