“Magaalada dhinac DILKA ayaa laga qorsheeyaa dhinacna DADKA ayaa lagu dilaa” Waxaa yiri…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka degmada Gaalkacyo ee dhanka Puntland ka hadlay dilalka qorsheysan ee maalmahaan ka dhacayay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan xaafadaha uu ka taliyo maamulka Puntland.

Axmed Muuse Nuur, gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaalada labadeeda dhinac ay kala qeybsan tahay, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinac kamid ah magaalada ayuu sheegay in dilalka ka dhacaya Gaalkacyo laga soo abaabulo oo uu kala jeedo deegaanada maamulka Galmudug, halka dhanka maamulka Puntland uu sheegay in dadka lagu dilo.

Magaaladan Gaalkacyo waxaa dhinac ku nool dadka wax dila,dhinac kalana waxaa ku nool dadka iyaga la dilo,”ayuu yiri Axmed Muuse oo inta ku daray in dhinaca Koonfurta Magaalada ay tahay meel an wax lugu dilin.

“Maalin walba inay magaalada ka tagaan dadkii wax ku oolka u ahaa ma aha mid loo dulqaadanayo,”ayuu yiri Muuse oo tilmaamay in wax laga qaban doono xaaladda ammaan.

Maamulka Galmudug ayaanan ka jawaabin eedeynta dhanka maamulka Puntland oo ah in xaafadahooda laga abaabulo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com