DHAGEYSO: Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh oo ka hadlay isku daygii dil ee uu ka bad-baaday

Baydhaba (Caasimada Online) – Shariif Xasan Sheekh Adan, madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta ka badbaaday iskuday dil kadib markii la weeraray kolonyo uu la socday oo maraysay waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

C/qaadir Maxamed Nadaara oo ah afhayeenka Shariif Xasan ayaa VOA u sheegay in miino nooca dhulka lagu aaso ay ku qaraxday kolonyada, balse aan wax dhibaato ah soo gaarin Shariif Xasan.

Shariif Xasan iyo ciidamo AMISOM ah ayaa maalmahan safar ku joogo deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana haatan uu gaaray magaalada Muqdisho.

Sharif Xasan Xasan Sheekh Aadan ayaa caawa ka hadlay isku daygaas dil ee uu maanta ka badbaaday.

Halkan dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com