Xildhibaanada BF oo si rasmi ah maanta u guda galay mooshinkii laga keenay baarlamanka Juba

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada BF Somalia ayaa ka dooday mooshin ka dhan ah Baarlamaanka Jubba oo toddobaadkii hore loo qeybiyay Xildhibaanada si ay usoo aqriyaan.

Xildhibaanada qaar ayaa xarunta ka dhex sameeyay buuq kaasi oo ay ku dalbanayeen in DF Somalia gaar ahaan gudoonka sare ee BF ay wax uga qabtaan dhismaha Baarlamaanka Jubba.

Mudanayaal uu kamid ahaa Xildhibaan Samaan Sheekh Maxamed oo ka hor aqriyay mooshinka Barlamanka ayaa sheegay in gabi ahaan dhismaha Barlamanka Jubba uu yahay mid lala baalmaray sharciga Somalia, islamarkaana uu yahay mid aan lagu saleynin Dastuurka dalka u degsan.

Ku dhowaad 38 Xildhibaan oo doonaya inay ka hadlaan ama ka doodaan qodobkaan ayaa is qoray, kuwaasi oo qaar ka mid ah soo bandhigay doodooda, hase ahaatee kuwa haray ayuu qorshahu yahay inay ka doodaan Kulanka soo socda ee Barlamanka.

Hadii ay Barlamanka Soomaaliya u codeeyaan in uusan sharci aheyn Barlamanka Jubba, lama oga waxa taasi ay ka badali doonto dhismaha Barlamankaasi oo hadda ay ka taagan dood la xiriira in aan cadaalad lagu saleyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com