Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Adan oo qarax xooggan lala eegtay iyo warar sheegaya inuu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa wuxuu maanta ka badbaaday qorshe lagu doonaayay in lagu qaarajiyo.

Kolonyo uu la socday Madaxweynaha oo ka soo amba baxay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kuna sii jeeday deegaanka Lafoole, ayaa waxaa qarax culus lagula beegsaday inta u dhaxeyso Afgooye iyo Carbiska.

Qarax miino oo horey wadada dhinaceeda loogu sii diyaariyay, ayaa waxaa lala beegsaday gaarigii uu la socday Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, inkastoo aynaan waxyeelo ka soo gaarin.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed, C/qaadir Maxamed Cashar (Nadaara) oo ka hadlay amuurtaasi, ayaa wuxuu xaqiijiyay in Madaxweynuhu uu ka badbaaday weerarkaasi.

Afhayeenka, ayaa beeniyay in qaraxu uu gaarigu haleelay, balse uu qaraxu dhacay, xilli gaarigii Madaxweynaha uu ka soo gudbay halkii uu qaraxu yaalay.

Nadaara, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu dadku la hadli doono ilaa caawa, sababo ku aadan iyagoo weli ku guda jira safarkooda ku aadan deegaanka Lafoole.

13-kii bishii March, ayay ahayd markii weerar hubeysan lagu qaaday Madaxtooyada Magaalada Baydhabo, xilli uu ku sugnaa Shariif Xasan Sheekh Aadan. Shariif Xasan ayaa weerarkaasi ka badbaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com