Gudiga farsamada oo digniin culus siiyay wasiir Odowaa iyo warar ka cusub SHIRKA CADAADO

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa ka digay in wasaarada arimaha gudaha iska hor keen ka sameyso Cadaado,

Afhayeenka gudiga Farsamada  Cumar Cali Rooble oo la hadlay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay inay ka digayaan in wasaarada arimaha gudaha ku lug lahaato soo xulista ergooyinka dooranaya maamulka gobolada dhexe ee dalka.

Afhayeenka wuxuu sheegay iney la socdaan qeylo dhaanta badan ee kasoo yeereyso odayaasha iyo waxgaradka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayna mar walbaa baaritaan sameyn doonaan.

Sidoo kale wuxuu cadeeyay in gudigooda uu ka madax banaan yahay soo xulista ergooyinka oo kaliya shaqadooda ay aheyd iney odayaasha dhaqanka ergooyinka u qeybiyaan.

“Haddii wasaarada ay ka qeyb qaadato soo xulista ergooyinka arin dhibkeeda leh ayaa dhici karto, marka waxaan wasaarada leeyahay waa iney ka madax banaanaataa howlahaasi”ayuu yiri afhayenka.

Hadalkiisa wuxuu kusoo aaday xili shalay wasiirka arimaha gudaha uu sheegay in la xareeyay odayaashii dooran lahaa ergooyinka shirka gobolada dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com