Xog: Muqdisho oo marti galineyso DAACISH (IS)

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan dadyowga ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia ayaa is weydiinaaya saameynta Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa Yemen kasoo barakacay colaadaha ka taagan dalkaasi ay ku yeelan karaan xasiloonida ka taagan Somalia.

Dadka ayaa ah kuwo walaac ka muujinaayo qulqulka Soomaalida iyo qaxooti kale oo u dhashay dalkaasi Yemen ee soo gaaray Magaalada Muqdisho waxa ayna hadal hayaan inay ku jiraan xubno ka tirsan Kooxda Daacish oo iyagu qaabab kala duwan usoo gaarayo dalka Somalia.

Imaanshaha Qaxootigaani ayaa abuurtay cabsi dhanka amaanka ah, waxaana jiro xogo sheegaya in DF Somalia lasoo gaarsiiyay warar sheegaya in dalka Somalia ay qaab qaxootinimo kusoo gaarayaan xubno Magaalada Sanca wakiil uga ahaa Maleeshiyaadka Daacish.

Waxaa heegan la galiyay Ciidamada DF Somalia kuwooda ku shaqada leh xaqiijinta amaanka waxa ayna baaritaano joogta ah ku hayaan gaadiidka iyo guryahay looga cabsi qabo inay ku dhuumaaleysanayaan shaqsiyaad la farmuuqay.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili asbuucii tagay wargeys kasoo baxa dalka Kenya uu daabacay in qaxootiga kasoo barakacay Yemen ay ku dhex jiraan inkabadan 500 oo ka tirsan Maleeshiyaadka Daacish.

Maamulka Puntland ayaa iyana dhawaan sheegtay inay helayaan xogo ku aadan in Daacish ay gabaad ka dhiganayaan qaab qaxooti islamarkaana ay kusoo dhex dhuumaaleysanayaan Qaxootiga dib ugu soo laabanaayo Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com